Skip to content
Sunday, October 25, 2026 13 Jumada al-Ula 1448 AH Asr 15:02
Muqdisho 28°C
Breaking: Madaxweynaha Puntland oo Hassan Sheikh ku eedeeyay inuu ka baxay doorashooyinkii ku dhisnaa wadar-ogolka
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia Af-Soomaali

Muxuu CC Sharmarke ka yiri soo celinta xiriirka Soomaaliya iyo Kenya? – Axadle

Follow
Newsroom published Updated 5 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio

Muqdisho (Axadle) Raysul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa bartiisa Twitterka soo dhigay qoraal uu kaga hadlayo soo celinta xiriirka Soomaaliya iyo Kenya.

- Advertisement -

Cumar C / rashiid ayaa sheegay inay wax lagu farxo tahay dib u soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed ee labada dal ee deriska ah.

Wuxuu sidoo kale soo dhoweeyay dhex dhexaadinta iyo dadaalada ay wado dowlada Qatar.

“Waa war wanaagsan in dib loo soo celiyo xiriirkii diblomaasiyadeed ee Kenya. Waxaan sidoo kale jeclaan lahaa inaan soo dhoweeyo howlaha dhexdhexaadinta ee Qatar,” ayuu yiri.

Raysul wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid hadana ah senator ka tirsan aqalka sare ayaa sheegay in tani ay kordhinayso ganacsiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

“Si loo xoojiyo ganacsigeena loona sii ambaqaado geedi socodka horumarka, waxaa lagama maarmaan ah in dib loo soo nooleeyo xiriirkii diblomaasiyadeed ee aan la leenahay adduunka,” ayuu raaciyay Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

Sikastaba, Maalintii Khamiista ayay dowladda Soomaaliya shaacisay in dib loo soo celinayo xiriirkii labada dowladood, kaasoo la hakiyay dhamaadka sanadka 2020, kadib markii dowladda ay ku eedeysay Kenya inay faragelin ku heyso arrimaha Soomaaliya.

Sidee u aragtaa warbixintan?

0 votes