Eden Hazard Oo Afka Furtay, Kana Haday Qosolkii & Farxaddii Uu
Xiddiga reer Belgium ee Eden Hazard ayaa raalligelin ka bixiyey qosol iyo farxad laga daawaday telefishannada oo uu la wadaagay ciyaartoyda kooxdiisii hore ee Chelsea oo Abracadii Actual Madrid ka reebtay tartanka Champions League oo ay ku kulmeen semi-finalka.
Hazard oo ay da’diisu tahay 30 jir, ayaa canaan badan kala kulmay warbaahinta Spain oo hab-dhaqanka uu sameeyey ku tilmaantay mid aan la aqbali karaynin.
Kaamirooyinka garoonka Stamford Bridge ayaa soo qabtay Eden Hazard oo qoslaya, kuna dheg-dhegaya ciyaartoyda Chelsea markii ay dhamaatay ciyaartu, xilli laacibiinta kooxdiisu ay la murugaysnaayeen guul-darrada soo gaadhay.
Eden Hazard oo Actual Madrid ay kasoo iibsatay Chelsea ayaa laba xilli ciyaareed oo uu joogay Santiago Bernabeu, waxa uu inta badan u jiifay dhaawacyo, isagoo kaliya dhawr kulan oo uu dhalliilo badan ku mutaystay kasoo muuqday xilli ciyaareedkan.
Taageereyaasha Actual Madrid ayaa ka cadhooday ficilkan, waxaanay ku weerareen baraha bulshada iyadoo geesta kalena ay warbaahintu si aad ah ugu canaanatay.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ee Instagram ayaa uu Hazard raalli-gelin kaga bixiyey ficilkiisa, waxaana uu sheegay in ujeeddadiisu aanay ahayn in uu ka cadhaysiiyo taageereyaasha Actual Madrid.
“Waan ka xumahay. Waxa aan maanta akhriyey aragtiyo badan oo aniga igu saabsan, ujeeddadayduna ma ahayn in aan ka cadhaysiiyo taageereyaasha Actual Madrid.” Ayaa uu ku yidhi qoraalkiisa.
Waxa uu intaa ku daray: “Mar walba riyadayda ayay ahayd in aan u ciyaaro Actual Madrid, waxaanan halkan u imid in aan guuleysto.
“Xilli ciyaareedku wali ma dhamaanin, dhamaanteenna waa in aynu hadda u dagaallanno horyaalka La Liga! Hala Madrid!”