Skip to content
Saturday, October 31, 2026 19 Jumada al-Ula 1448 AH Asr 15:03
Muqdisho 30°C
Breaking: Trump Resumes Rallies as U.S. Midterm Elections Enter Turbulent Final Stretch
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia Af-Soomaali

Ciidan katirsan Howlgalka AMISOM oo lagu weeraray Shabeelaha

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 1-minute read
Ciidan-katirsan-Howlgalka-AMISOM-oo-lagu-weeraray-Shabeelaha

Askar katirsan Ciidanka Uganda ee ku jira Howlgalka Ururka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa lagu weeraray wadada isku xirta Shalaanbood & Marka, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Weerarka ayaa ku bilawday miino lagu qarxiyay mid kamid ah Gawaarida Ciidanka Uganda, waxaana xigay dagaal toos ah oo dhexmaray Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda iyo Al-Shabaab.

- Advertisement -

Dhinacyada dagaalamay waxaa gaaray khasaare dhimasho & Dhaawac, Al-Shabaaab ayaa dhankeeda sheegtay in ay dishay labo kamid ah Askarta Uganda ee u qaabilsan soosaarista Miinooyinka.

Al-Shabab ayaa sheegtay in Ciidankaan Uganda oo ay ku weerartay Gobolka Shabeelaha Hoose ay ku howlanayeen soosaarista Miinooyinka jidka gashan, balse ay ku qarxiyeen isla saraakiishii fulin lahayd howlgalkaas.

Dowladda Uganda wali kama aysan hadlin weerarkaan lagu qaaday ciidamada ka jooga Soomaaliya gaar ahaan Gobolka Shabeelaha Hoose, waajibaadka askarta Xukuumadda Kampala waa sugidda Amniga Caasimadda iyo Gobolka deriska la ah ee Shabeelaha Hoose.

Wadada dheer ee isku xirta Degmada Afgooye iyo Xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose ee Marka waxaa marar badan lagu weeraray Ciidamada Dowladda & kuwa Midowga Afrika gaar ahaan kuwa Uganda.

Axadle.

Sidee u aragtaa warbixintan?

0 votes