NISA oo baaritaan la xiriira amaanka ku samaynaysa

Shaqaalaha xafiisyadda Dowladda Faderaalka Soomaaliya ayaa baaritaan la xiriira amaanka lagu samaynayaa sida ku cad bayaan ka soo baxay wasaaradda shaqada iyo arimaha bulshada Soomaaliya.

Warqad ku taariikhaysan 03-October 2020, oo ay aragtay Axadle lana ogaysiiyay dhamaan Wasaaradaha dalka, Xafiis-yadda Hogaamiyaha iyo Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay in baaritaan la xiriira amaanka laga samaynayo wasaaradaha si loo hubiyo shaqaalaha in ay xiriir la leeyihiin Al Shabaab iyo inkale.

War-qada oo uu ku saxiixanyahay sii hayaha Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arimaha bulshada Xildhibaan Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa looga codsaday hay’adaha dowladda in ay la shaqeeyaan hay’adda Nabad Sugida Soomaaliya.

Shaqaallaha Dowladda ayaa la faray in ay tagaan EX Xabsigii Hore ee Jilicow.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More