Skip to content
Sunday, October 25, 2026 13 Jumada al-Ula 1448 AH Fajr 04:30
Muqdisho 24°C
Breaking: Brazilians in Ireland Prepare to Vote in Presidential Runoff
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia Af-Soomaali

Abaabul dagaal oo ka socda Duleedka Degmada Balcad ee

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio
Abaabul-dagaal-oo-ka-socda-Duleedka-Degmada-Balcad-ee

Ciidamada dowladda federaalka iyo askar katirsan kuwa Daraawiishta DG Hir-Shabeelle ayaa dhaq-dhaqaaqyo ciidan saakay kawada deegaanno dhaca duleedka magaalada balcad ee gobolka shabeelaha Dhexe.

Askartaan ayaa shalay fulisay howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanno dhowr ah oo duleedka ka ah Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

- Advertisement -

Saraakiisha Ciidanka ayaa sheegay in ujeedka howlgalkaas uu ahaa burburinta goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, si looga hortagayo abaabulka weerarada ka dhanka ah Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Al-Shabaab ayaa dhankooda sheegtay in ay kahortagtay weerar kusoo wajahnaa, gaari nuuca dagaalka ah oo ay wateen ciidanka DFS gubtay, dhimasho iyo dhaawacna gaarsiisay askartii la socotay.

Dadka deegaanka ayaa Axadle u sheegay in saacadihii lasoo dhaafay deegaannada Balcad uga jiheysan dhanka Gobolka Shabeelaha Hoose dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka wadeen Ciidamada Dowladda & Al-Shabaab.

Wasiirka amniga Hir-Shabeelle ayaa dhawaan ku dhawaaqay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab oo laga bilaabayo deegaannada Xadka DG Koofur Galbeed uu la wadaago maamulkiisa gaar ahaan dhanka Shabeelaha hoose.

Axadle

Sidee u aragtaa warbixintan?

0 votes