Manchester United ayaa dhameystirtay saxiixa daafaca bidix Alex Telles oo ay kala soo wareegeen kooxda FC Porto isagoo haatan ah ciyaaryahan Manchester United ah.
Man United ayaa xiddigaan ku soo xerogelisay lacag gaareysa 15 milyan euro iyo shan milyan euro oo ku xirnaan doonta qaab ciyaareedkiisa.
- Advertisement -
27 jirkaan reer Brazil ayaa Manchester United u saxiixay qandaraas afar sannadood ah isagoo qiyaar u heysta inuu sannad kale ku kordhisan karo heshiiska.
Alex Telles ayaa tijaabada caafimaadka maray islamarkaana qandaraaska u saxiixay Man United laakiin waxaa heshiiskiisa si rasmi ah loogu dhawaaqi doonaa goor dhow.
Telles ayaa haatan ku sii jeeda xulkiisa Brazil oo ciyaaraya kulamada saaxiibtinimo maalmaha soo socda ka dib marka uu ka soo laabto waajibkiisa qaran ayuu ku biiri doonaa kooxda tababare Ole Gunnar Solskjaer.
Telles ayaa ah daafac bidix oo weerartama isagoo 11 gool u dhaliyay FC Porto xilli ciyaareedkii la soo dhaafay, inkastoo sideed ka mid ah goolashaas ay rigoorayaal ahaayeen.
Wuxuu FC Porto kaga soo biiray kooxda Galatasaray sannadkii 2016, wuxuuna ku guuleystay labo koob oo horyaalka Portugal halka sidoo kale lagu soo daray xulka Brazil sannadkii hore ee 2019.
Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa doonayay inuu keeno daafac bidix oo cusub si uu tartan u geliyo Luke Shaw oo dhaawacyo ay wareeriyeen iyo Brandon Williams kaasoo kooxda kowoaad ka mid noqday xilli ciyaareedkii la soo dhaafay islamarkaana ka ciyaari kara booska daafaca midig.