Miyuu Frank Lampard Cuqad U Qaaday Xiddigii Ay Hadallada
Chelsea ayaa suuqa iibka ciyaartoyda xubin firfircoon kasii ahaan doonta illaa daqiiqadda ugu dambaysa ee uu xidhmayo maalinta Isniinta, waxaana la filayaa in kaliya uu furnaado albaabka ay ciyaartoydu ka baxayaan balse uu xidhnaan doono midka laga soo gelayo oo xilli hore ay soo dhamaysteen ciyaartoydii ay u baahnaayeen.
- Advertisement -
Tababare Frank Lampard oo la hadlayay warbaahinta ka hor ciyaarta ay Crystal Palace ku martigelin doonaan duhurka berri oo Sabti ah ayaa waxa uu sheegay in hubanti la’aan safkiisa ah ay jirto oo ay suurtogal tahay inay baxaan qaar ka mid ah ciyaartoydiisu.
Chelsea ayaa hore amaah ugu dirtay laacibkeedii khadka dhexe ee Ross Barkley oo ku biiray Aston Villa Khamiistii, waxaana la filayaa inuu ku xigi doono difaaca reer Spain ee Marcos Alonso oo mustaqbalkiisu mugdi ka galay Stamford Bridge markii ay tababare Lampard isku dhaceen, hadallo ad-adagna isku weydaarsadeen qolka lebbiska oo ay ciyaartoyda kalana joogeen waqtigii nasashada ee ciyaartii WestBromwich Albion ay 3-3 ku kala baxeen, taas oo keentay in qaybtii dambe aanu garoonka kusoo laaban Alonso.
Tababare Lampard oo wax laga weydiiyey arrinta Alonso ayaa qiray inay isku dhaceen laakiin waxa uu caddeeyey in aanu doonayn inuu wax cuqad ah u qaado mid ka mid ah ciyaartoyda kooxdiisa, waxaanu yidhi: “Ma doonayo inaan bayaamiyo wixii ka dhacay qolka lebbiska, waxaanan rumaysanahay inay qalad tahay. Waxa aanu ka niyad-jabsanayn in 3-0 la nagu lahaa qaybtii hore, waxaanay noqotay inaan isbeddel sameeyo.
“Anigu ma noqon karo mid cuqdadleh laakiin hore ayaan uga socdaa. Waanu shaqaynaa, hore ayaanu u soconaa annaga oo daacad isku wada ah, shaqadayada ayaanu u qabsanaa si kasii fiican sidii hore, waxyaabaha dhacayna in badan ayay dhacaan inta lagu jiro xili ciyaareedka.”
Antonio Rudiger ayay suurtogal tahay in Lampard uu arko isaga oo shandaddiisa sii sita, sidaas oo kalena Cllum Hudson-Odoi, Ruben Loftus-Cheek iyo kuwo kale, waxaase kalsoonida tababarahan haysta Fikayo Tomori oo Stamford Bridge xubin firfircoon ka ahaanaya.
“Laacib kasta oo kooxda ah, xaaladda ugu fiican waxay tahay inaad tixgeliso amaahda, waxa se ka horreysa waxa u wanaagsan kooxda.” Ayuu yidhi Lampard oo ka gaabsaday inuu ciyaartoydiisa si gaar ah u kala tilmaamo.