Skip to content
Monday, August 24, 2026 10 Rabi al-Awwal 1448 AH Fajr 04:46
Muqdisho 25°C
Breaking: Somalia Denies Recognising Northern Cyprus After Parliament Speaker’s Comment
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

Waxaanu Doonaynaa Inaanu Ka Aargoosano Arsenal – Jurgen

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio
Klopp-Arteta

Arsenal ayaa laga sugayaa inay iska soo xaadiriso garoonka Anfield Isniinta toddobaadkan, waxaana ku sugaysa Liverpool oo ay ka go’an tahay inay ka aargoosato kaddib rikoodheyaashii ay kaga qaadday Community Shield iyo barbarro ka horreeyey oo ay wada galeen intii uu Mikel Arteta xilka hayay.

Tababare Mikel Arteta ayaa awood u yeeshay inuu gacanta sare ka yeesho Jurgen Klopp, waxaana Arsenal aty 2-1 ku garaacday Liverpool oo ay u xambaarisay guul-darradii saddexaad ee xili ciyaareedkii hore, ka hor intii aanay barbarro 1-1 ah ku kala bixin kulankii Community Shield oo ay rikoodheyaal koobka kaga qaadeen.

Laakiin marka albaabada la iskugu xidho garoonka Anfield oo aanay taageereyaal joogin, waxay Liverpool iyo Arsenal mid walba u dagaallami doonaan sidii ay min guushoodii saddexaad ee xili ciyaareedkan u heli lahaayeen.

Jurgen Klopp oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kooxdiisu ay doonayso inay ka aarsato Arsenal, waxaanu yidhi: “Waxaanu doonaynaa inaanu ka aargoosato.”

Jurgen Klopp oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray: “Aan idhaahdo waa sidan oo kale. Tani waa xaaladda aanu ku jirno, waxaanay noqon kartaa xaalad kasii wanaagsan oo ku xidhnaanaysa sida aanu uga faa’iidaysano. Natiijooyinka ayaa kalsooni na siiya balse falanqayn ayaa iyaduna jirta, markaa ciyaarta ayaad u go’aamin kartaa sida saxda ah.

“Maaha in Arsenal na burburisay iyo in aanaan wax fursad ah haysanin, laakiin waxay ogyihiin inay tahay ciyaar ka duwan, markaa natiijadii hore waqti badan kama soo wareegin, waana kaliya macluumaad kaliya.”