Browsing Tag

iyo

Hogaamiye Biixi oo sheegay in uu hirgalayo heshiiska Gobaladda Waqooyi iyo Itoobiya

Jimco, September, 6, 2024 (AX) - Hogaamiyaha Gobaladda Waqooyi Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in cadaadis kasta oo jira uu hirgalayo heshiiska Gobaladda Waqooyi iyo Itoobiya. Hogaamiyaha oo boqollaal qof kula hadlayay magaalada Tog-wajaale, ayaa sheegay in heshiisku uu hirgalayo inkasta oo ay jiraan cadaadisyo. "MoU-gu wuu hirgalayaa, waa hubaal, wixii xag xaganayaana ha xag xagtaan, qolada Xamar maanta ee ciidanka Masaarida keentay waxan leeyahay laba hal isma qabtaan, Soomaali ayaanu midaynaynaa oo Xabashi ayaanu la…

Maxay ka wada hadleen Siciid Deni iyo Axmed Madoobe?

Midowga Musharaxiinta iyo Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa Axadii ku kulmay caasimada Muqdisho iyadoo aan wali wax heshiis ah laga gaarin doorashada dalka ka dhaceysa sanadka 2021. Kulankan oo ka dhici doona gudaha xerada Xalane ayaa waxaa looga hadlayaa xaalada ay hada ku sugan tahay doorashada, gaar ahaan khilaafka ka taagan qabsoomida doorasho xor iyo xalaal ah. Sheekh Shariif Axmed oo ah gudoomiyaha Midowga Musharaxiinta ayaa ka hadlay shirka wuxuuna sheegay in diirada la saaray shirka "Xaqiijinta in la…

Axmed Madoobe iyo Donald Yamamoto oo wada jira

Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, iyo Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa ku kulmay xarunta UN-ka ee magaalada Muqdisho. Kulanka Axmed Madoobe iyo Yamamoto ayaa ku soo beegmaya xilli lagu wado in magaalada Muqdisho ay ku kulmaan hogaamiyayaasha dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada si looga wada hadlo khilaafka ka taagan doorashooyinka dalka. Madaxtooyada Jubaland ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in kulankan diirada lagu saaray xaaladihii ugu…

Maxay ka wada hadleen Axmed Madoobe iyo Danjire Swan?

Magaalada Muqdisho, Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe iyo Danjiraha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan waxay ku yeesheen kulan dheer oo ay uga wada hadlayeen ka gudubka caqabadihii keenay kala taggii shirkii Dhuusamareeb ee ugu dambeeyay (4). Swan oo safka hore kaga jira isku soo dhaweynta Dowlada Federaalka & Dowlad Goboleedyada waqtigooda sii dhamaanayo ayaa doonaya in shirku uu ka duwanaado shirarkii hore ee lagu kala qeybsanaa ee ugu yaraan lagu saxiixo heshiis ay wada gaareen Gudiga…

Axmed Madoobe iyo wafdi uu hogaaminayo

Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho si ay uga qeyb galaan shir la filayo in todobaadkan lagu qabto magaalada Muqdisho. Waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo xubno ka tirsan midowga musharixiinta. Wafdiga uu hogaaminayo madaxweynaha Jubbaland waxaa ka sii horeeyay ilaalada madaxweynaha iyagoo ka dagi doona aaga Muqdisho. In kasta oo xerada Xalane saacado ka hor la duqeeyay,…

Ka ganacsiga iyo doorkiisa halista ah

Warbixinta: Ifraax Ahmed - TRS Tahriibiyeyaashu waa koox burcad ah, dambiilayaal iyo arxan laawayaal ka macaasha dhiiga tahriibka dhalinyarada tahriibka ah. Waxay la shaqeeyaan koox kale oo dambiilayaal ah oo ka macaashaya dhiigga tahriibiyeyaasha, oo loo yaqaan garsoorayaasha, kuwaas oo soo qabta dadka ay ku qaldeen tahriibiyeyaasha saxaraha Liibiya ka dibna sameeya dambiyo dhowr ah oo ka dhan ah aadanaha, oo ciqaab adag la marinayo, ka dibna yaa hela madax furasho, oo dilo, oo dilo. Warbixinta TRS ayaa lagu ogaaday in…

Gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha (IEBC)

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha ee IEBC ayaa soo saaray warqad ay ku dalbanayaan in dowlad goboleedyada ay qabtaan doorashada Aqalka Sare ee BFS. Tallaabadii ugu horreysay ee Guddiga oo ahayd inay ka shaqo bilaabaan jadwalkooda cusub shalay way fashilantay, warqad ay soo saareen Guddiga ayaa lagu sheegay in Maamulada hoos yimaada DFS looga baahan yahay inay qabtaan Codsiyada & soo buuxiyaan Foomka Musharaxiinta Aqalka Sare. “Guddiga hirgelinta…

Gudoomiyaha aqalka sare iyo siyaasiyiinta gobolada waqooyi

Guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda gobollada waqooyi ayaa ka horyimid hadal ka soo yeeray guddiga doorashada oo ku dhawaaqay jadwalka doorashada aqalka sare. Qoraal ay soo saareen ayay ku sheegeen inaysan qaban karin guddi doorasho waxayna ku tilmaameen guddi sharci darro ah oo ay soo xushay dowladda. Guddiga qaban qaabada doorashada ayaa shaaciyay in doorashada aqalka sare la soo gabagabeyn doono dhamaadka bishan oo ku beegan 6-da…

Qoor Qoor iyo Deni ayaa maanta markale kulmay si xal loo helo

Madaxweynayaasha Puntland Saciid C / llaahi Deni iyo Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xalay ku kulmay magaalada Gaalkacyo, halkaasoo uu shalay gaaray madaxweynaha Puntland. Intii kulanku socday waxay labada dhinac ka wada hadleen xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan muranka ka taagan hanaanka doorashada, waxayna labada Hogaamiye si qoto dheer uga wada hadleen sidii xal loogu heli lahaa khilaafka. Sida ay sheegayaan wararka kulanka xalay ayaa ahaa mid hordhac ah,…

Khasaaraha ka dhashay dagaalladii dhecmarey Booliska iyo Maleeshiyaad

In ka badan shan qof ayaa ku dhimatay tiro kalena waa ay ku dhaawacantay iska hor imaad u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo maleeshiyo hubeysan oo ka dhacay deegaanka Jazeera ee duleedka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka deegaanka dagaalka oo socday galabnimadii ilaa saqdii dhexe ayaa salka ku hayey qaad laga soo dajiyay deegaanka Jazeera isla markaana ay leeyihiin maleeshiyaadka dagaalamay. Maleeshiyaad watay qaad iyo ciidamada Haramcadka ayaa isku dhacay dagaalkiina wuxuu…