Browsing Tag

goordhaw

Guddoomiyahii hore ee Golaha Shacabka Prof Jawaari oo goordhaw Geeriyooday

 Jimco, Juun, 28, 2024 (AX) - Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ku geeriyooday Allah u naxariiste guddoomiyahii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.Marxuumka ayaa la sheegay in maalmahii laso dhaafay uu xanuunsana, islamarkaana xanuunkaas uu u geeriyooday, walow aanan wali shaacin xanuunka uu u geeriyooday Prof Jawaari.Masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka tacsiyadeeyay…

Askarta dowladda oo goordhaw wareegay deegaanka Ruunirgood

Axad, Juun, 9, 2024 (AX) - Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa goordhaw si buuxda ula wareegay gacan ku heynta deegaanka Ruunirgood oo ku yaala xadka gobolada Galgaduud iyo Shabeellaha dhexe.Ciidamada ayaa kulaalayay dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay deegaanka Ruunirgood oo ah deegaan istaraatiiji ah oo ay gacanta ku hayeen kooxda Al-shabaab.Ciidamada ayaa lasoo warinaya in haatan gudaha deegaankaas ay ka wadaan howlgalo miino baaris ah, maadama Al-shabaab goobaha laga saaro uga tagaan miinooyin."Askarta Xogga…

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka oo goordhaw War murtiyeed laga soo saaray

Jimco, May, 17, 2024 (AX) - Waxaa goordhaw War murtiyeed laga soo saaray Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee u dhaxeeyay madaxda dowladda fedaraalka, kuwa dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.Shirkaan ayaa mudo afar maalmood ah uga socday madaxada Golaha Wadashiga Qaranka xarunta Aqalka Soomaaliya, kaasoo madaxda ay uga hadleen qodobo aad xasaasi u ahaa.War murtiyeedka laga soo saaray Shirka oo ka kooban afar qodob ayaa lagu sheegay in Golaha ay ku heshiiyeen qodobo ay ka mid yihiin sugidda amniga, la…

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo goordhaw ka furmay magaalada Muqdisho

Talaado, May, 14, 2024 (AX) - Waxaa goordhaw si rasmi ah uga furmay xarunta Aqalka dalka ee magaalada Muqdisho shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee u dhaxeeya madaxda dowladda Fedaraalka, kuwa dowlad goboleedyada dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.Shirkaan ayaa waxaa daah furay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana madaxda ka qeyb galaysa ka mid ah Raysal wasaare Xame Cabdi Barre, ku xigeenkiisa Saalax Axmed Jaamac, madaxweynayaasha maamulada kala ah Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo maamulka…

Ugaaska Beelaha Xawaadle oo goordhaw lagu Caana shubayo deegaanka Daara Ugaas

 Isniin, May, 13, 2024 (AX) - Waxaa goordhaw si rasmi ah loogu Caano shubaya deegaanka Daara Ugaas ee duuleedka degmada Halgan ee gobolka Hiiraan Ugaaska beelweynta Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.Wafuud aad u tiro badan oo ka kala yimid daafaha Caalamka ayaa ka qeyb galaysa munaasabada lagu Caana shubayo Ugaaska beelaha Xawaadle oo haatan ka bilaabatay deegaanka Daara Ugaas oo ah goob u gaar ah Caana shubka Ugaasyada Xawaadle.Masuuliyiin kala duwan ayaa ka qeyb galeysa munaasabada lagu Caana shubayo…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More