Browsing Tag

dibadda

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo u safray New York si uu ugu ololeeyo kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

 Isniin, Juun, 3, 2024 (AX) - Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa u safray magaalada New York ee dalka Mareykanka si uu ugu ololeeyo in Soomaaliya ay xubin ka noqoto Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.Tallaabadan ayaa imaaneysa ka hor doorashada soo socota ee xubnaha golaha amaanka, oo la qorsheeyay 6-da June inta lagu guda jiro kalfadhiga 78-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay.Booqashada Wasiir Fiqi ee New York ayaa qeyb ka ah dadaallo ballaaran oo diblumaasiyadeed oo lagu doonayo in…

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo ka qeyb galay Madasha iskaashiga Shiinaha iyo Carab

Khamiis, May, 30, 2024 (AX) - Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta khudbad ka jeediyay  shirka 10-aad ee heer Wasiir ee Madasha Iskaashiga Carabta iyo Shiinaha, ayaa si qoto-dheer uga hadlay xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Shiinaha iyo dalalka Carabta. Wasiir Fiqi ayaa carrabka ku dhuftay in Soomaaliya ay tahay dalkii ugu horreeyay ee ku yaalla Bariga Afrika ee xiriir diblumaasiyadeed la yeesha Shiinaha, wuxuuna caddeeyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay sare u qaadida iskaashiga kala…

Xubin katirsan guddiga arrimaha dibadda ee Sanate-ka Maraykanka oo ku baaqay in lala macaamilo Gobaladda Waqooyi

Isniin, April, 29, 2024 (AX) - Senator Jim Risch, oo ah xubin sare oo ka tirsan Guddiga Xidhiidhka arrimaha Dibadda ee Senate-ka Mareykanka, ayaa ku booriyay maamulka madaxweyne Biden inay la macaamilaan Gobaladda Waqooyi.Jim Risch, wuxuu sheegay in siyaasadda Soomaaliya oo keliya aysan ka tarjumayn xaqiiqada."Waxaan ku booriyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka inay la shaqeyso Gobaladda Waqooyi oo aysan iska indha tirin horumarka dimoqraadiyadeed," ayuu yiri Senator Risch isagoo intaas ku daray in asxaabtiisa…

Raysal wasaare Xamse oo hay’adaha dowladda ka mamnuucay shirarka dibadda lagu qabto

 Khamiis, April, 25, 2024 (AX) - Xukumadda Soomaaliya ayaa hay’adaha dowladda ka mamnuucday in meel ka baxsan dalka lagu qabto shirarka u dhexeeya heerarka kala duwan ee hay’adaha dowladda. Go’aankaan ayaa laga sheegay shirka golaha wasiirrada Soomaaliya oo uu shir guddoominayay raysal wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre.Waa markii labaad oo sanad gudihiisa ay dowladda hadalkaan sheegto.Wuxuu kusoo beegmay, iyadoo dowladda lagu dhaliilayo in hay’adaha dowladda ay shirar ku qabsadaan dalalka dibadda sida Kenya oo ugu…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More