Browsing Tag

burcad

Waqooyi Bari oo gacanta ku dhigtay taliyihii burcad badeeddii madax furashada ka qaatay markabkii MV Abdalla

Talaado, Juun, 18, 2024 (AX) - Askarta booliska Waqooyi Bari ee Gobolka Mudug oo magalada Galkacyo ka sameeyay howlgal ku saabsanaa la dagaalanka burcadbadeeda, ayaa gacanta Kusoo dhigay taliyihii hogaaminayay kooxdii burcad badeedda ee $5 Milan ee madax furashada ah ka qaatay Markabkii MV Abdalla.Howlgalkan oo ay ciidanka ka fuliyeen xaafada siinaay ee ee waqooyiga magalada Galkacyo, ayaa lagu soo qabtay Abshir Abdi kheyre Jowfe oo 38 jir, kaasoo ahaa taliyihii markabka MV Abddalla.Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Mudug…

Waqooyi Bari oo xukunno ku ridday garsoorayaal iyo xeer ilaaliyaal ku eedeysan inay sii daayeen Shabaab iyo Burcad badeed

 Talaado, Juun, 18, 2024 (AX) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee maamulka Waqooyi Bari ayaa xukunno kala duwan ku ridday garsoorayaal iyo xeer ilaaliyaal katirsanaa maxkamaddaas, kuwaas oo lagu eedeeyay inay sii daayeen maxaabiis u xirnaa inay katirsan yihiin burcad badeed iyo Shabaab.Maxkamadda ayaa garsoorayaashan iyo xeer ilaaliyaashan ku xukuntay midkiiba xukun u dhaxeeya 2 illaa shan sano oo xarig ciidan ah.Waxaa lagu eedeeyay inay laaluush ku qaateen sii daynta maxaabiis ah isugu jiray Shabaab iyo Burcad…

Waqooyi Bari oo xirtay mid kamid ah burcad badeeddii weerartay markabka MV Abdullah

 Isniin, Juun, 17, 2024 (AX) - Maxamed Suufi rasaas oo la sheegay inuu kamid ahaa burcad badeeddii weerartay Markabkii MV Abdalla, kana mid ahaa ragii lacagta madax furashada ka qaatay markabkaas, ayay ciidanka booliiska Waqooyi Bari gacanta ku dhigeen.Askarta booliiska oo sheegay inay la socdeen xogta Maxamed Suufi Rasaas, ayaa sheegay inay ku qabteen magaalada Garawe halkaas oo uu ku dhuumaalaysanayey maalmihii lasoo dhaafay.Booliiska waxay sheegeen inuu kamid ahaa afduumashaayshii markabkii MV room, isaga oo markii…

Ciidamada Midowga Yurub oo soo furtay markab ay afduubteen kooxaha burcad badeeda Soomaalida

 Jimco, May, 24, 2024 (AX) - Ciidamada Midowga Yurub ee la dagaalanka burcad badeeda ee ku sugan Badweynta Hindiya iyo Badda Cas ayaa sheegay in markabka ganacsi ee Basilisk oo ka babanayay calanka Liberia laga sii daayay xeebaha Soomaaliya, islamarkaana 17-shaqaale oo la socday ay bad qabaan.Markabkan ayaa waxaa Khamiistii weerar ku qaaday kooxo looga shakisan yahay inay yihiin burcad-badeed Soomaali ah, isagoo marayay meel 380-mayl-badeed bari ka xigta magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya,  sida ay bayaan ku…

Burcad Soomaalida oo afduubtay Markab xamuul ah oo ka diiwaangashan Liberia

 Jimco, May, 24, 2024 (AX) - Markab nooca xamuulka qaada ah oo lagu magacaabo Basilisk oo ka diiwaan gashan Liberia, ayaa la sheegay in ay qabteen burcad badeed Soomaali ah, sida ay sheegayaan wararka laga helayo saraakiisha ammaanka badda.Hawlgalka ganacsiga badda ee UK (UKMTO) ayaa sheegay in koox aan la aqoonsan ay ka raaceen markabka ganacsi meel qiyaastii 420 nautical miles koonfur bari ka xigta degmada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose ee Soomaaliya.Afduubka markabka ayaa waxaa geystay shaqsiyaad la socday labo…

Burcad badeed Soomaali ah oo lagu wareejiyay jasiiradda Seycheles si loo maxkamadeeyo

Khamiis, May, 16, 2024 (AX) - Hawlgalka Atalanta ee Midowga Yurub ee lagu sugayo ammaanka badda Soomaaliya iyo ka hortagga burcad-badeedda, ayaa lagu wareejiyay burcad badeeddii weeraray markab ganacsi oo ka babanayay calanka jasiiradaha Marshall.Howlgalka Atalanta ayaa burcad badeeddan kusii wareejiyay Jasiiradda Seychelles, si halkaas loogu maxkamadeeyo burcad badeedda.Ugu yaraan Lix burcad badeed ayaa weeraray markabka Chrystal Arctic goor dambe oo ahayd isniinti 13-kii May.Weerarka ayaa dhacay markii dooni yar oo ay la…

Askarta Booliiska oo gacanta kusoo dhigay Burcad dhac ka geysaneysay xaafado ka mid ah degmada Waabari

 Talaado, May, 14, 2024 (AX) - Ciidamada Booliiska gobolka Banaadir ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Waabari ee magaalada Muqdisho kusoo qabtay burcad dhac ka geysaneysay.Howlgalka ayaa ciidamadu kusoo qabteen laba nin oo dhalinyaro oo la sheegay iney dhac u geysanayeen dadka degan xaafadahaas, waxaana ragaan burcada ah lagu xiray Saldhiga degmada Waabari ee magaalada Muqdisho.Booliiska ayaa sidoo kale soo bandhigay Sawirada labadaan nin, hubka ay ku dhacayeen dadka iyo mooto Bajaaj ay u…

Midowga Yurub oo sheegay in burcad badeedda Soomaalidu isku diyaarinayaan weerarro ka dhan ah maraakiibta

 Isniin, April, 6, 2024 (AX) - Warbixin ku saabsan khatarta burcad badeedda ee xeebaha Soomaaliya oo kasoo baxday howlgalka Midowga Yurub ee ATALANTA ayaa lagu sheegay in ay sare u kacday dhacdooyinka sii kordhin kara khatarta burcadbadeednimada Soomaaliya.Midowga Yurub ayaa sheegay in burcad badeeddu ay bilaabeen afduubashada doomaha dheereeya, si ay ugu isticmaalaan si ay weeraro uga soo qaadaan meelo 600nm u jira xeebaha Soomaaliya."Inkasta oo aysan jirin dhacdooyin la xiriira budhcad-badeednimo todobadii maalmood ee la…

Jubbaland oo qabatay rag abaabulayay weerarro burcad badeednimo ah

 Axad, April, 5, 2024 (AX) - Ciidamada Booliiska ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa gacanta ku dhigay 4 nin oo looga shakisan yahay in ay yihiin Burcad Badeed, kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay qorsheynayeen weeraro ay ku qaadaan Maraakiibta ku sugan Biyaha Soomaaliya.Laba tuhmane ayaa la sheegay inay baxsadeen. Howlgalka ayaa ka dhacay deegaan magaalo xeebeedka Kismaayo u jira qiyaastii 70km oo ah dhanka koonfureed.Laamaha amniga ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen liis dheer oo ay ku jiraan shakhsiyaad saami ku lahaa…

Puntland oo qabatay hub sharci darro ah iyo shabakad looga shakisan yahay burcad badeed

 Sabti, April, 4, 2024 (AX) - Ciidamada badda Puntland ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen hub sharci darro ah iyo shabakad looga shakisan yahay inay yihiin burcad badeed.Howlgalkan ayaa ka dhacay degmo xeebeedka Eyl, halkaas oo ay ciidamadu sheegeen in ay ka mid tahay meelaha laga abaabulo weerarrada  qafaalashada maraakiibta caalamiga ah.War saxaafadeed kasoo baxay ciidanka badda Puntland ayaa sheegay, in ciidamadu ay ku raad joogaan burcad badeeddii madaxa furashada ka qaatay Markab laga leeyahay dalka Bangladesh oo…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More