Taariikhda geeddi-socodka doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo martay marxalado iyo isbeddello waaweyn tan iyo markii dalku qaatay madaxbannaanida. Jamhuuriyaddii curatay sanadkii 1960-kii waxay ku tallaabsatay doorashooyin toos ah oo ku saleysan qof iyo cod, kuwaas oo isugu jiray doorashadii golayaasha deegaanka ee 1963-kii iyo kuwii baarlamaanka ee qabsoomay sanadihii 1964-kii iyo 1969-kii (Samatar 2015). Waagii dimuqraadiga ahaa ayaa si lama-filaan ah u soo afjarmay markii uu dhacay afgambigii militariga ee uu hoggaaminayay Mohamed Siad Barre sanadkii 1969-kii, kaas oo dalka geliyay xukun kalitalis ah oo socday ilaa burburkii dowladdii dhexe sanadkii 1991-kii. Laga soo bilaabo waqtigaas burburka, Soomaaliya weli kuma guuleysan inay qabato doorasho qaran oo shacabku si toos ah codkooda ku dhiibtaan.
Doodaha xudunta u ah arrimaha doorashooyinka Soomaaliya waxay daaha ka rogayaan kala-aragti-duwanaansho qoto dheer oo soo taxnayd muddo dheer. Dhinac waxa joogta beesha caalamka (IC) oo mar kasta ku adkeysata hirgelinta hannaanka qof iyo codka, halka dhinaca kalena ay siyaasiyiinta Soomaalidu u xaglinayeen hannaanno ku saleysan saami-qeybsiga beelaha. Madaxda Soomaalidu waxay doodahooda ku celiyaan in hannaanka doorashadu uusan ka maarmin tixgelinta xaqiiqooyinka siyaasadeed ee maxalliga ah, dhacdooyinkii taariikheed ee dalka soo maray, iyo xeerarka dhaqanka ee loo cuskado maaraynta colaadaha. Is-maandhaafkani kuma koobna oo keliya farsamooyinka codbixinta ama qaab-dhismeedka hay’adaha dastuuriga ah. Waxa uu salka ku hayaa su’aalo aasaasi ah oo ku saabsan cidda xaqa u leh awoodda siyaasadeed, qaabka sharciyadeed ee mudan in la raaco, iyo sida loogu gorgortamayo madaxbannaanida qaran, iskaashiga, lahaanshaha go’aanka, iyo awood-qeybsiga geeddi-socodka dhismaha dowladnimada Soomaaliya.
Xulashada hannaanka doorashadu waxay bixisaa muraayad cad oo lagu eegi karo sida awoodda iyo go’aan-qaadashada loogu kala gorgortamo beesha caalamka (IC) iyo Dowladda Soomaaliya. Fahamka dooddan qotada dheer wuxuu u baahan yahay in laga gudbo khilaafaadka siyaasadeed ee xilligan taagan, lana dhuuxo duruufaha taariikheed ee dalka. Aragtida Lewis (1961) ee ku saabsan dimuqraadiyadda xoolo-dhaqatada ayaa ah saldhig muhiim ah oo lagu fahmi karo asalka hannaanka siyaasadeed ee Soomaalida iyo saameynta joogtada ah ee ay qaab-dhismeedka beeluhu ku leeyihiin maamulka dowladnimada. Lewis waxa uu bulshadii Soomaalida ee xilligii gumeysiga ka hor ku sifeeyay mid lahayd hab-dhaqan maamul oo maxalli ah, kaas oo ku dhisnaa gorgortan joogto ah, go’aan-wadaag, isu-tanaasul, iyo awood baahsan oo u qeybsan beelaha kala duwan. Xaaladdaas gudaheeda, sharciyadda siyaasadeed kuma dhisnayn hay’ado dowladeed oo rasmi ah, balse waxay ku qotontay xeer-dhaqameedka, xiriirka tolka, iyo heshiisyada dhex mara duubabka iyo odayaasha beelaha (Lewis 1961). Inkasta oo aragtidaas lagu dhaliilay inay indhaha ka laabatay sinnaan-la’aanta bulshada dhexdeeda ahayd isla markaana ay aad u buunbuunisay dhaqanka reer-guuraaga, haddana waxay weli miisaan weyn ku leedahay fasiraadda doorka xooggan ee ay siyaasadda qabiilku ku leedahay dhismaha dowladda Soomaaliya.
Sidaa darteed, heshiisyada doorashooyinka ee ku saleysan beelaha looma fasiran karo oo keliya calaamad muujinaysa daciifnimo xagga hay’adaha ah ama fashil ku yimid dimuqraadiyadda. Waxay xididdo ku leeyihiin taariikh fog oo ku saabsan nidaam bulsho oo jiray kahor intii uusan iman gumeysigu ayna dhalan dowladda casriga ahi (Lewis 1961). Kaddib burburkii dowladdii dhexe sanadkii 1991-kii, xilli aysan jirin hay’ado qaran oo shaqeynaya iyo qaab-dhismeed dastuuri ah oo sugan, hab-dhismeedka beeluhu wuxuu noqday tiirka ilaaliyay wadajirka bulshada, xalliyay khilaafaadka, furayna albaabada wadahadallada siyaasadeed (Gundel 2006). Siyaasiyiin badan oo Soomaali ah agtooda, heshiisyada beeluhu ma aha oo keliya xal kumeelgaar ah oo xaaladdu keentay. Waxay u arkaan hannaan shaqeynaya, duruufo badan oo jirana sharciyad ku dhex leh, kaas oo lagu maareyn karo loolanka awoodda ee ka dhex jira saaxad siyaasadeed oo aad u kala qeybsan.
Dhanka kale, beesha caalamka (IC) waxay si joogto ah u riixaysay in si tartiib-tartiib ah loogu guuro nidaam doorasho oo ku saleysan qof iyo cod. Tan iyo markii la unkay dowlad-goboleedyadii iyo dowlahadoodii kumeelgaarka ahaa horaantii sanadihii 2000-meeyadii, gaar ahaan kaddib meelmarintii Dastuurka Federaalka ee sanadkii 2012-kii, doorashada tooska ah waxaa loo bandhigayay inay tahay aaladda lagu xoojinayo isla-xisaabtanka siyaasadeed iyo sharciyadda dowladda, lagu ballaarinayo ka-qeybgalka shacabka, lagagana takhalusayo saameynta qabiilka ee siyaasadda. Mowqifkan waxaa qaabeeyay mabaadi’da nabad-dhiska xorta ah iyo maamul-wanaagga suuqa furan, kuwaas oo hagayey faragelinta caalamiga ah ee dalal badan oo colaado ka soo kabanaya (Sharp 2018). Hababkani waxay qabaan in nabad waarta iyo horumar la gaari karo marka la helo hay’ado dimuqraadi ah, doorashooyin xor ah oo laysku helo, dib-u-habeyn ku wajahan dhaqaale xor ah, iyo hannaanno sharci ah oo lagula xisaabtamo madaxda (Sharp 2018; De Coning 2007). Marka laga eego dhinacani, qof iyo codku waa summad iyo furaha isbeddelka dimuqraadiga ah. Hase yeeshee, malo-awaalladani waxay marar badan dhayalsadaan kakanaanta xaqiiqooyinka siyaasadeed ee dalka, waxaana ka dhalan kara halis ah in qaababka maamul ee dibadda laga keenay laga hormariyo noocyada sharciyadeed ee ka dhex unkamay waayo-aragnimada maxalliga ah.
Aragtida ku saabsan iskaashiga iyo lahaanshaha go’aanka ee maxalliga ahi waxay ku yaallaan udub-dhexaadka muranka hareeyay doorashooyinka Soomaaliya. Labadan qodob ayaa muddo dheer hoggaaminayay qorshayaasha horumarinta iyo gargaarka. Laga soo bilaabo horraantii sanadihii 2000-meeyadii, hay’adaha caalamiga ahi waxay ku celceliyeen in tallaabo kasta oo siyaasadeed ay noqoto mid ay leeyihiin dadka maxalliga ahi, si taageerada dibaddu u noqoto mid sharciyad leh oo cimri dherer leh. Lahaanshaha go’aanku, marka la eego aragti ahaan, wuxuu tilmaamayaa in hoggaanka go’aannada ay leeyihiin dhinacyada gudaha halka shuraakada caalamiga ahi ay bixiyaan kaalmo keliya (Crawford 2003). Sidoo kale, iskaashigu waxa uu ka dhigan yahay xiriir ku saleysan is-ixtiraam, hiigsi la wadaago, iyo mas’uuliyad loo dhan yahay. Hase yeeshee, hadalladaas qurxoon mar walba kuma qotomaan xaqiiqada dhabta ah ee dhex marta deeq-bixiyeyaasha iyo dowladda, halkaas oo ay ka jirto awood-la’aan dhanka maamulka ah iyo farqi weyn oo xagga awoodda maaliyadeed ah (Abrahamsen 2004).
Mala-awaalka iskaashiga iyo lahaanshaha go’aanka wuxuu ficil ahaan u noqday waddo ay dhinacyo kala duwani u adeegsadaan sidii ay u fushin lahaayeen danahooda gaarka ah ee hannaanka doorashada Soomaaliya. Beesha caalamka (IC) waxay mabaadi’dan u cuskanaysaa inay sharciyad ugu raadiso faragelinteeda iyo inay muujiso sida ay uga go’an tahay hannaannada horumarineed ee dunidu aqoonsan tahay. Isla mar ahaantaana, waxay awood u leedahay inay go’aamiso nuxurka, xilliga la qabanayo, iyo jihada ay u socoto dib-u-habaynta doorashadu, iyadoo u mareysa taageerada dhaqaale, khibradda farsamo, cadaadiska diblomaasiyadeed, iyo shuruudaha ay ku xirto bixinta gargaarka doorashada. Xaaladdani waxay dhalisaa is-burin cad: in lahaanshaha go’aanka maxalliga ah lagu dhex dhiirrigeliyo xiriir ay beesha caalamku (IC) ku leedahay awood aad u sarreysa. Dhanka kale, Dowladda Soomaaliya marna ma aha mid kaliya qaadata waxa loo yeeriyo. Waxay si adag u adeegsataa awooddeeda go’aan-qaadasho marka ay gorgortan ka gasho jadwalka doorashada, fasiraadda qodobada dastuurka, dhex-dhexaadinta danaha is-diiddan ee kooxaha gudaha, iyo marka ay sabab ka dhigato caqabadaha amni ee ay ku hayso kooxda Al-Shabaab. Arrimahani waxay si toos ah u beddeli karaan xawaaraha iyo jihooyinka uu ku socdo geeddi-socodka doorashadu.
Siyaasiyiinta Soomaalidu waxay sidoo kale marjac ka dhigtaan madaxbannaanida dalka iyo lahaanshaha go’aanka si ay u difaacaan sii socoshada doorashooyinka ku saleysan beelaha, kuwaas oo ay u arkaan inay haystaan sharciyad gudaha ah oo aad uga culus tan nidaamka qof iyo codka ee dibadda laga riixayo. Doodaha noocan ah ma aha kuwo laysku wada raacsan yahay gudaha Soomaaliya. Qayb ka mid ah bulshada ayaa u arka hannaanka beelaha mid lagama maarmaan u ah nabadgelyada iyo xasiloonida siyaasadeed, halka qaybo kale ay ku doodaan inuu dib u soo celinayo nidaamyadii awoodda ku koobay kooxaha gaarka ah, isla markaana uu meesha ka saarayo xuquuqda iyo ka-qeybgalka dhabta ah ee haweenka, beelaha la haybsooco, dhallinyarada, iyo kooxaha kale ee nugul. Xiisaddan taagan waxay caddaynaysaa in loolanka awooddu uusan ku koobnayn oo keliya beesha caalamka (IC) iyo Dowladda Soomaaliya, balse uu si xooggan uga dhex jiro hay’adaha siyaasadda iyo bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda. Awooddu ma aha wax meel fadhiya ama hal jiho u socda; balse waa geeddi-socod maalinle ah oo ku dhisma wada-xaajood, is-hortaag, iyo la-qabsi joogto ah.
Gunaanad
Geeddi-socodka doorashooyinka Soomaaliya waxaa saameyn ku leh aragtiyo iska soo horjeeda oo ku aaddan nidaamka dhismaha dowladnimada. Beesha caalamka (IC) waxay nidaamka qof iyo codka u aragtaa aasaaska kaliya ee lagu gaari karo horumar dimuqraadi ah oo waara, halka madaxda siyaasadda Soomaaliduna ay inta badan doortaan heshiisyo siyaasadeed oo ku saleysan saami-qeybsiga beelaha, kuwaas oo ka tarjumaya awoodaha dhabta ah ee dalka ka jira. Is-maandhaafkani kuma saabsana oo keliya hannaanka doorasho ee la dooranayo, balse waxa uu taabanayaa ciddii go’aamin lahayd mustaqbalka dalka, hannaanka matalaadeed ee sharciyadda leh, iyo in dib-u-habaynta doorashada lagu saleeyo xeerar caalami ah iyo in lagu hago danta dhabta ah ee dadka maxalliga ah. Aragtiyadan is-diiddan waxay sii wadi doonaan inay qaabeeyaan xilliga kala-guurka ee Soomaaliya. Xaaladda dalku waxay sidaas darteed beeninaysaa aragtiyaha fudud ee laga aaminsan yahay iskaashiga iyo lahaanshaha go’aanka ee u dhexeeya beesha caalamka (IC) iyo dowladda. Waxay muujinaysaa in dhismaha dowladnimadu uu yahay tartan adag oo ay isaga gooyaan saameynta shisheeye iyo go’aanka guduhu, kaas oo gorgortanka awooddu uu mar kasta yahay mid furan.
______________________
Madaxa Iskaashiga iyo Isku-duwidda, County Government of Garissa. Bare Kuxigeen – Waaxda Sayniska Siyaasadda: Garissa University, Murashaxa Shahaadada PhD – Waaxda Siyaasadda & Daraasaadka Caalamiga ah – University of Warwick