Skip to content
Tuesday, September 15, 2026 2 Rabi al-Thani 1448 AH Dhuhr 11:53
Muqdisho 27°C
Breaking: Prince Harry’s Children Move Schools After Two Days Over Security Concerns
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia English

Video: Saraakiil ballan-qaad u sameeyay qoyskii laga dilay C…

Follow
Newsroom published Updated 5 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio

Muqdisho (Axadle) – Saraakiil ka tirsan booliska gobolka Banaadir oo ay kamid ahaayeen taliye ku-xigeenka qeybta guud ee booliska gobolka, taliyaha qeybta galbeed, taliyaha saldhiga degmada Wadajir iyo guddoomiyaha degmada ayaa gurigooda ku booqday qoys dhawaan warbaahinta ka sheegay inay cadaallad u waayen dil loo geystay wiil ay dhaleen.

Saraakiisha ayaa qoyska wiilka laga dilay oo lagu magacaabo Cabdifataax Maxamed Cali Atoore ayaa waxay u ballan-qaadeen inay cadaalada marsiin doonaan dambiilaha ku eedeysan dilkaas, islamarkaana ay ku kalsoonadaan cadaallada.

- Advertisement -

“Waxaa markale kugu celinayna inaad xaqaaga helayso, oo aad ka helayso cidii gacan ku dhiiglaha aheyd ee wiilkaaga Cabdifataax dishay, sharciga ayaa idiin jooga oo garab idiin ah oo ay tahay inaad kaashataan,” ayuu yiri mid kamid ah Saraakiisha u tagtay qoyska wiilkooda la dilay oo ballaan-qaadka u sameeyay.

Dhacdada kiiska dilka Cabdifataax ayaa waxaa loo soo qabtay eedeysanayaal, waxayna saraakiisha sheegen inay wadaan baarista dilkaas, ayna ka warsugaan baarista uu wado booliska.

Saraakiisha ayaa sidoo kale qoyska marxuumka ka dalbaday inay ku gacan siiyan sidii cadaalada loo marsiin lahaa gacan ku dhiiglaha dilay wiilkooda, iyagoona carabka ku adkeeyay in markasta u taagan yihiin sareynta sharciga.

Booqashada saraakiisha iyo guddoomiyaha degmada Wadajir uu ku tegay hoyga qoyska laga dilay wiilkooda ayaa imaneysa kadib markii ay warbaahinta ka sheegen inay cadaalad ka waayen laamaha amniga, xili ay ku gudo-jireen duugista marxuumka.

How do you rate this story?

0 votes