Suudaan: RSF ayaa sheegtay inay qabsatay magaalo ku dhow xadka Itoobiya
KHAARTUUM – Ciidanka gurmadka degdegga ah ee militariga ka baxsan (RSF) ayaa Khamiistii sheegay inay qabsadeen Geissan oo ku taalla gobolka Buluu Nayl ee Suudaan, una dhow xadka Itoobiya. Ciidanka Suudaan ayaa diiday sheegashadaas, iyagoo sheegay in iska horimaadyadu ay weli socdaan isla markaana ciidamadoodu ay wali hayaan saldhig ciidan oo muhiim ah.
- Advertisement -
Qiyaastii 2,500 qof ayaa dagaalladaasi ku barakacay, sida ay sheegtay Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM). Qaar ka mid ah dadka rayidka ah ayaa u gudbay Itoobiya iyagoo isku dayaya inay gaaraan meel ammaan ah.
Weerarku wuxuu dhacay xilliga goosashada. RSF ayaa lagu eedeeyay inay dhaceen dalagyada isla markaana bililiqeysteen suuqa dhexe ee Geissan, inkastoo eedeymahaas aan si madax-bannaan loo xaqiijin karin.
Meesha ay Geissan ku taallo waxay xoojin kartaa saameynta RSF ee ku aaddan marinnada sahayda ee koonfur-bari Suudaan, iyadoo kooxda u sii dhoweynaysa Biyo-xireenka Roseires oo leh muhiimad istaraatiiji ah.
Khaartuum waxay sidoo kale ku eedeysay Itoobiya inay gacan ka geysanayso fududeynta taageero militari oo Imaaraadka Carabta uu siiyo RSF, eedeyntaas oo Addis Ababa ay beenisay. Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in hawlgalkan laga yaabo in looga gol leeyahay in lagu kala bixiyo ciidamada dowladda, xilli ay ku sii siqayaan jihooyin kale oo ka tirsan dagaalka Suudaan.
AXADLETM