Somali Shilling: Rebuilding the National Currency and Modern Financial System
Shilin Soomaaliga, oo ah lacagta rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya tan iyo 1962, wuxuu muddo dheer ka mid ahaa astaamaha ugu waaweyn ee dhaqaalaha dalka. Waxaa lagu bixin jiray mushaaraadka shaqaalaha dowladda, canshuuraha ayaa lagu uruuri jiray,...
By Abdullahi Farah AbdullahiMonday April 13, 2026
1. Hordhac iyo Muhiimadda Shilin Soomaaliga
Shilin Soomaaliga, oo ah lacagta rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya tan iyo 1962, wuxuu muddo dheer ka mid ahaa astaamaha ugu waaweyn ee dhaqaalaha dalka. Waxaa lagu bixin jiray mushaaraadka shaqaalaha dowladda, canshuuraha ayaa lagu uruuri jiray, ganacsiguna si caadi ah ayuu ugu socon jiray. Xilli nidaamka maaliyadeed uu lahaa qaab dhisan, Shilinku wuxuu ka tirsanaa lacagaha bulshada iyo ganacsatadu si buuxda ugu kalsoon yihiin. Maanta, dib-u-xoojin ayaa loo baahan yahay si loo soo celiyo miisaanka lacagta qaranka.
2. Burburkii Nidaamka Maaliyadeed
Markii dowladdii dhexe ay burburtay 1991, waxaa isla markiiba istaagay ama kala daatay dhammaan hay’adihii maaliyadeed ee dalka, iyadoo Bangigii Dhexe uu ka mid ahaa meelihii ugu horreeyay ee saameynta tooska ah la kulmay. Waxaa meesha ka baxay hay’ad si rasmi ah u maamusha lacagta dalka, taasoo furtay suuq aan lahayn xeerar iyo nidaam mideysan. Arrintaasi waxay keentay sicir barar, kalsooni darro, iyo kala daadsanaan lacageed oo muddo dheer saameysay nolosha dadka.
3. Dollarization-ka Dhaqaalaha
Sanadihii xigay, dhaqaalaha Soomaaliya wuxuu si ballaaran ugu tiirsaday Doollarka Mareykanka (USD), gaar ahaan qeybaha waaweyn ee ganacsiga sida guryaha, kirada, iyo jumlada. Tusaale ahaan, inta badan guryaha Muqdisho waxaa lagu qiimeeyaa USD halkii Shilin Soomaali lagu sheegi lahaa. Taasi waxay hoos u dhigtay doorkii Shilinka, iyadoo USD uu noqday lacagta ugu awoodda badan ee suuqyada.
4. Bangiyada iyo Ku Tiirsanaanta Doollarka (USD wuxuu si buuxda u beddelay Shilin)
Bangiyada ganacsiga ee Soomaaliya ee ruqsadda ka haysta Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), sida Premier Bank, IBS Bank, Dahabshil Bank, Salaam Somali Bank, Daryeel Bank, GIB Bank, Amana Bank, MyBank, IC Bank, Sombank, iyo Ziraat Katilim, waxay si buuxda ugu shaqeeyaan Doollarka Mareykanka (USD). Koontooyinka, amaahda, xawaaladaha, iyo wareejinta lacagaha dhammaantood waxaa lagu xisaabiyaa USD, taasoo Shilin ka dhigtay lacag si ficil ahaan uga maqneyd nidaamka rasmiga ah ee bangiyada.
5. Mobile Money iyo Dhaqaalaha Dijitaalka ah
Adeegyada lacagaha mobilka sida EVC Plus, Edahab, Premier Wallet, iyo MyCash ayaa noqday halbowlaha dhaqaalaha Soomaaliya. Waxay si fudud u beddeleen habka lacag dirista, taageereen ganacsiga yar-yar, isla markaana fududeeyeen bixinta adeegyada maalinlaha ah. Si kastaba, inkastoo lacagta si dijitaal ah loo kala wareejiyo, qiimeynta badeecadaha iyo dejinta sicirka suuqyada intooda badan weli waxay ku saleysan yihiin USD.
6. Tusaale Dhaqaale oo Cad
Muqdisho gudaheeda, ganacsatada waxay kirada guryaha, raashinka jumlada, iyo adeegyo kale ku dhisaan qiime USD ah. Lacagtaas waxaa markaas lagu bixiyaa EVC Plus ama Edahab, halka Premier Wallet iyo MyCash ay fududeeyaan wareejinta. Si kastaba ha ahaatee, nidaamkaas dijitaalka ah weli wuxuu ku wareegayaa USD, taasoo muujinaysa in Shilin Soomaaligu uusan weli noqon lacag leh qiime go’an oo suuqyada hagta.
7. Caqabadaha Dib-u-soo Celinta Shilinka
Waxaa jira caqabado culus oo ay ka mid yihiin kalsooni darro, sicir barar, iyo nidaam lacageed oo aan weli si buuxda u dhisnayn. Waxaa intaas sii dheer ku tiirsanaanta USD ee ganacsiga, bangiyada, iyo adeegyada dijitaalka ah, taas oo adkeyneysa in Shilin dib loogu soo celiyo kaalintiisii hore.
8. Doorka Bangiga Dhexe iyo Nidaamka NPS
Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS) iyo National Payments System (NPS) ayaa noqday laf-dhabarta nidaamka casriga ah ee lacag-bixinta. NPS wuxuu suurageliyay in bangiyada gudaha ay si toos ah isugu diraan lacagaha, iyadoo CBS uu noqday xarunta dhexe ee clearing iyo settlement. Taasi waxay sare u qaaday hufnaanta iyo isku xirnaanta nidaamka maaliyadeed.
9. Awoodda NPS ee Wareejinta Lacagaha
NPS wuxuu isku xiraa dhammaan bangiyada dalka, taasoo sahleysa in lacagaha loo kala wareejiyo si degdeg ah, ammaan ah, oo hufan. Tusaale ahaan, marka bangiyada Muqdisho ay is dhaafsadaan lacag, NPS ayaa xaqiijiya in transaction-ku si sax ah u dhaco. Si kastaba, dhammaan wareejintaas weli waxay ku tiirsan yihiin USD, halka CBS uu sii hayo clearing iyo settlement dhexe.
10. Siyaasad Lacag-bixin oo Mideysan
Waxaa lama huraan ah in la dejiyo Siyaasad Qaran oo Lacag-bixin ah (National Payment Policy) oo si cad u qeexda sida lacagaha dalka looga isticmaalo. Shilin Soomaaligu waa inuu si rasmi ah uga mid noqdaa bangiyada, mobile money-ga, iyo adeegyada dowladda, si loo abuuro baahi dhab ah oo loo qabo lacagta qaranka.
11. Doorka Adeegyada Dowladda
Adeegyada dowladda sida canshuuraha, biyaha, korontada, iyo khidmadaha kale waa in si rasmi ah loogu qaataa Shilin Soomaali. Tani waxay abuureysaa baahi joogto ah oo Shilin ah, taasoo kordhineysa wareeggiisa suuqyada isla markaana xoojinaysa kalsoonidiisa iyo qiimihiisa.
12. Isku-darka Lacagaha iyo Mustaqbalka Shilinka
Soomaaliya waxay u baahan tahay nidaam isku dheellitiran oo USD, Shilin Soomaali, iyo lacagaha digital-ka ah ay wada shaqeeyaan. Haddii Bangiga Dhexe, NPS, bangiyada, adeegyada mobile money, iyo dowladda ay si wadajir ah u hirgeliyaan siyaasad mideysan, Shilin Soomaaligu wuxuu dib u noqon karaa lacag xooggan oo tiir u noqota dhaqaalaha dalka, isla markaana yareyn karta ku tiirsanaanta USD.
13. Sida loo daabici karo Shilin Soomaaliga iyo waxa loo baahan yahay
Daabacaadda Shilin Soomaaliga waa hawl adag oo u baahan qorshe qaran oo dhammeystiran, maadaama ay si toos ah u taabaneyso xasilloonida dhaqaalaha dalka. Si loo sameeyo lacag cusub ama dib-u-daabac Shilin, waxaa marka hore loo baahan yahay Bangi Dhexe oo si buuxda u shaqeeya (Central Bank of Somalia) kana haya awood sharci, farsamo, iyo dhaqaale oo uu ku maamulo lacagta suuqa ku jirta. Bangiga Dhexe wuxuu sidoo kale u baahan yahay xog sax ah oo ku saabsan dhaqaalaha dalka, sida GDP, sicirka suuqa, iyo baahida lacagta wareegta (money supply demand).
Sidoo kale, waxaa muhiim ah in la helo amni sare oo lagu fuliyo daabacaadda lacagta, sida warshado casri ah oo lacag daabacaya ama lala shaqeeyo shirkado caalami ah oo la isku halayn karo. Lacagta cusub waa inay sidataa astaamo amni (security features) sida watermark, serial numbers, holograms, iyo teknoolojiyad ka hortagta been-abuurka. Intaas waxaa dheer, waa in la sameeyaa qorshe beddel lacageed (currency reform program) oo si tartiib ah shacabka loogu wareejiyo isticmaalka Shilin cusub, si looga fogaado jahawareer suuqyada.
Ugu dambeyntii, daabacaadda Shilin Soomaaliga ma aha oo keliya soo saarista waraaqo cusub, balse waa geeddi-socod dhaqaale iyo kalsooni-dhis ah. Waxay u baahan tahay siyaasado lacageed oo adag, NPS oo shaqeynaya, bangiyo diyaar u ah isticmaalka Shilin, iyo kalsoonida shacabka oo si tartiib tartiib ah loo dhiso. Haddii dhammaan arrimahaas la isku xiro, Shilin Soomaaligu wuxuu mar kale yeelan karaa awood dhab ah oo uu ugu noqdo lacagta ugu muhiimsan ee dalka.
Abdullahi Farah Abdullahi. Finance Analyst specialist. MBA Finance.Bsc Finance and Banking.