Isniin, Agoosto 3, 2026
Muqdisho (AX) — Dowladda Puntland iyo Maraykanka ayaa gaaray heshiis amni oo Washington u oggolaanaya inay ballaariso xarunteeda milatari ee Boosaaso, si loo xoojiyo dadaallada wadajirka ah ee la-dagaallanka argagixisada loona horumariyo amniga badaha ee Geeska Afrika.
Heshiiska ayaa Axaddii lagu saxiixay Boosaaso, intii ay socdeen wada-hadallo dhex maray Madaxweynaha Dowladda Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi Maraykan ah oo uu hoggaaminayay Sarreeye Gaas Claude K. Tudor Jr., taliyaha Taliska Hawlgallada Gaarka ah ee Maraykanka ee Afrika (SOCAFRICA). Wasiirro ka tirsan Dowladda Puntland, saraakiil sare oo ciidan iyo la-taliyeyaal dowladeed ayaa sidoo kale ka qaybgalay kulanka.
War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Dowladda Puntland ayaa lagu sheegay in wada-hadalladu diiradda saareen ballaarinta iskaashiga amniga, gaar ahaan hawlgallada ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah iyo ilaalinta marinnada muhiimka ah ee badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
“Dowladda Puntland iyo Maraykanka ayaa sidoo kale saxiixay heshiis lagu ballaarinayo iskaashiga labada dhinac. Heshiisku wuxuu Dowladda Maraykanka u oggolaanayaa inay ballaariso saldhiggeeda Boosaaso, si loo xoojiyo hawlgallada la-dagaallanka argagixisada loona xaqiijiyo amniga badaha,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Dowladda Puntland ayaa heshiiska ku tilmaantay astaan muujinaysa sida ay uga go’an tahay sii wadidda iskaashiga caalamiga ah ee lagu doonayo in lagu ciribtiro argagixisada laguna ilaaliyo amniga iyo xasilloonida guud ahaan Puntland, Soomaaliya iyo Geeska Afrika.
Boosaaso ayaa noqotay goob muhiim ah oo laga abaabulo dadaallada la-dagaallanka argagixisada ee ka dhanka ah kooxda Daacish ee waqooyiga Soomaaliya. Dagaalyahannada Daacish ayaa ka hawlgala buuraha qalafsan ee Cal Miskaad ee gobolka Bari.
Washington ayaa ololaha Dowladda Puntland ku taageertay kaalmo milatari oo ballaaran, oo ay ku jiraan duqeymo cirka ah oo tiro badan labadii sano ee la soo dhaafay, iyo sidoo kale xog sirdoon, qalab iyo taageero saadka ah.
Ciidamada ammaanka Dowladda Puntland, oo taageero ka helaya Maraykanka iyo saaxiibbo kale oo caalami ah, ayaa sheegay inay Daacish kala wareegeen dhul ballaaran, kaddib bilo dagaallo ah oo ka socday dhulka buuraleyda ah.
Heshiiskan ayaa lagu dhawaaqay xilli Washington ay sii ballaarinayso iskaashigeeda amni ee ay la leedahay mas’uuliyiinta Soomaaliya, si looga hortago Daacish iyo al-Shabaab, isla markaana gacan looga geysto sugidda marinnada maraakiibta ee istaraatiijiga ah ee Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas.
Dowladda Maraykanka ayaan si rasmi ah u xaqiijin heshiiska, welina ma aysan shaacin faahfaahin ku saabsan baaxadda ama jadwalka waqtiga ee ballaarinta la qorsheeyay.







