Browsing Category

Somalia

Somalia | Wararka Maanta | Somali Latest Breaking News and the expert analysts you can trust.

Turkiga oo cambaareyay qaraxyo lagu weeraray magaaladda

Dowladda Turkiga ayaa maanta oo Sabti ah cambaareeyay mowjado weeraro Ismiidaamin ah oo galaaftay nolosha ugu yaraan sideed qof oo Soomaaliya. “Waxaan si adag u cambaareyneynaa weeraradan argagaxiso waxaanan tacsi u direynaa dadka walaalaha ah iyo Dowladda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga. Qarax ismiidaamin ah ayaa ka dhacay maqaaxi caan ah oo ku taal magaalada caasimada ah ee Muqdisho habeenkii jimcaha, halkaas oo ay ku…

Soomaaliya & Pakistan oo kawada hadlay xiriirka ka dhaxeeya

Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Arrimaha dibadda XFS Balal Maxamed Cismaan ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Pakistan Makhdoom Shah Mahmood Qureshi, waxa ay diiradda saareen xoojinta xiriirka labada dal, Ganacsiga & Maalgashiga. Kulankaan ayaa suuragalay intii lagu guda jiray shirka 47-aad ee Golaha Wasiirada Arrimaha Dibadda Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ee ka dhacay Magaalada Niemey ee xarunta Dalka Niger. Pakistan & Soomaaliya ayaa iska kaashanaya xoojinta iyo…

Al-Shabaab oo sheegatay qarax uu ka badbaaday Maareeyaha

Sawir hore Degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir waxaa maanta ka dhacay qarax uu ka badbaaday Maareeyaha Dekedda Muqdisho Axmed Washington xili uu u socday xafiiskiisa shaqada sida ay Axadle u xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah. Inta la xaqiijiyay qaraxa waxaa ku dhintay labo Askari oo ilaalo u ah Maareeye Axmed, kadib markii dhaawac uu kasoo gaaray qaraxa lala eegtay Gaarigiisa oo mararay Degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, waxa…

Ciidamada DFS oo weeraray ilaalo uu heystay Gen. Xuud. –

Duleedka Magaalada Baladweyne waxaa lagu weeraray Ciidamo u heysto Abuukar Xaaji Warsame oo ku magac dheer Xuud oo todobaadkii lasoo dhaafay labo jeer baajiyay safar Hogaamiyaha Hir-Shabeelle uu ku tagi lahaa Xarunta Gobolka Hiiraan. Ciidamo hubeysan oo la diyaariyay saacadihii lasoo dhaafay ayaa weerar ku qaaday saldhigyo ay sameysteen Ciidamada la safaran Xuud, waxaana dhexmaray iska hor imaad sababay in ay dib u gurtaan askarta la weeraray. Xuud ayaa heysta ciidamo la saftay…

“Dadkaan Cidna uma maqna Ceelna uma qodna ee hurdada halaga

Xildhibaan Mahad Salaad Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa qoraal uusoo dhigay bartiisa Facebook waxa uu uga hadlay qaraxii ka dhacay Maqaaxi ku taalla Magaalada Muqdisho ee sababay dhimashada, dhaawaca & khasaaraha maaliyadeed. Xildhibaanka ayaa sidoo kale waxa uu qoraalkiisa kusoo bandhigay falcelinta Dowladda Federaalka, waxa shacabka Soomaaliyeed la gudboon & Dhalinyarada oo dhibaatada ugu badan dalka la kulanta. Mahad Maxamed Salaad ayaa tacsiyeen kadib waxa uu…

“Deynta Cafinta Soomaaliya meel wanaagsan ayay mareysaa”

Wasiirka Maaliyadda XFS Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo faah-faahin ka bixiyay qorshaha deyn cafinta Soomaaliya iyo dadaalada kala duwan ee socda ayaa sheegay in meel wanaagsan ay mareyso howsha lacag dhaafka ah. Dowladda Faransiiska ayuu sheegay Wasiir Bayle in ay cafisay lacag dhan $306 milyan oo ay Soomaaliya ku lahayd waqti dheer, balse ugu dambeyn wada-xaajood lala galay uu sahlay in lacagtaas ay dhaafto Xukuumadda Paris. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale…

Odoyaasha Koofur Galbeed oo ka digay Xasilooni darro ka

Magaalada Baydhabo waxaa ku kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed & Odoyaasha dhaqanka DG Koofur Galbeed si uu ugu bandhigo Ololihiisa doorashada 20/21. Odoyaasha dhaqanka ayaa dhankooda Shariif Sheekh Axmed la wadaagay welwelka ay ka qabaan hadallada xanafta leh oo ay is dhaafsanayaan Dowladda Federaalka & Musharixiinta Hogaamiyaha 20/21. Waxgaradka ayaa ka digay foodo iyo kala dambeyn la’aan ka dhalata Doorashada 20/21 in dalka loo horseedo,…

Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay

Qarax uu fuliyay qof isku soo xiray walxaha qarxa ayaa xalay fiidkii ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Maqaaxida Jalaato Devino oo ku taalla wadada isku xirta KM4 & Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho. Inta la xaqiijiyay 8-qof oo dhalinyaro ah ayaa ku dhimatay qaraxa, halka ay dhaawacmeen 10-ruux oo la geeyay Goobaha Caafimaadka si loo daweeyo, sida Axadle ay xaqiijiyeen ilo xog ogaal. Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir oo Warbaahinta kula…

Bixitaanka Askarta Mareykanka ee Soomaaliya oo fursad u

Sida uu daabacay Wargeyska Foreign Policy, tallaabada Hogaamiyaha xilka ka degaya Mareykanka ee Donald Trump uu Soomaaliya ugu saarayo Ciidamada ka jooga waxa ay fursad u noqon kartaa Shiinaha & Ruushka oo tartan dhanka Militariga & ganacsiga uu ka dhaxeeyo. Wargeyska waxa uu sheegay in bilawga Bishaan November 2020 uu Trump go’aansaday dhaqangelinta go’aanka Askarta Mareykanka ee Soomaaliya in uu ka saaro kahor inta uusan xafiiska wareejin. Waxaa la fahamsan yahay in…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More