Skip to content
Monday, October 12, 2026 29 Rabi al-Thani 1448 AH Fajr 04:33
Muqdisho 24°C
Breaking: Former President Accuses Government of Targeting Staff and Blocking Access to His Home
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia English

Isu caga-jugleyn kadib, Turkiga & Giriigga oo wada xaajood wax ku dhameynaya!

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio
Isu-caga-jugleyn-kadib-Turkiga-Giriigga-oo-wada-xaajood-wax

Bil iyo baryo kadib, jahawareer siyaasadeed, caga-jugleyn, Eedeyn iyo isu soo bandhigidda hubka xubinnimada ay ugu yihiin Isbaheysiga NATO, Waxaa wada-xaajood ogolaaday Dowladaha Turkiga iyo Giriigga.

Waxa ay kawada hadlayaan Xuquuqda sheegashada labada dhinac ee Sahminta Aagga ay ku muransan yihiin ee Bariga Badda Mediterranean oo ah halka bandhig hubeydkooda uu ka dhacay.

- Advertisement -

War kasoo baxay Xukuumadda Athens ayaa lagu sheegay in Dowladda Giriigga ay diyaar u tahay wada-xaajood aan lagu xaq duudsineen si looga baaqdo Dagaal labada dhinac dhexmara oo laga fursan waayo.

Turkiga ayaa dhankiisa cod hoose ku sheegay in wadahadal wax waliba lagu dhamenayo oo aan lagu duudsineen taako kamid ah qaybta ay Xukuumadda Ankara u aragto in ay leedahay in ay soo dhaweyneyso.

Sababta keentay in dadaal la geliyo kahortagga dagaal aan dabaqabad yeelan waa in ay xudud ka yihiin Isbaheysiga NATO, Haddii ay foodda daraan waxaa ku dhumaya xiriirka Isbaheysigaan oo waxaa halkaas ka dhalaneysa in Dowladaha kale ay la kala saftaan.

Jarmalka iyo Faransiiska ayaa hormuud ka ah xal u raadinta khilaafka ku dhawaaday in uu gaaro isu gacan-qaad, labada Wasiir Arrimo dibadeed waxa ay wicitaan la kulan isugu dareen Dhiggooda Turkiga & Giriigga.

Faransiiska ayaa ku booriyay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan in uu galo wada xaajood oo uusan qaadin wax ficil ah oo xaaladda sii xumeyn karta, howshana ay joogto meel laga qaban karo.

Walaaca waxa uu dhashay kadib markii ay isku dhawaadeen maraakiib ku xiran hub dagaal, dusha ka saaran yihiin Ciidan tababar sare leh oo dhoola-tus ku sameeyay halka muranka ka taagan yahay oo ay kala sheeganayaan Turkiga iyo GIriigga.

Bishii Agoosto waxa ay dhamaatay iyada oo ay isu caga-jugleynayaan labadaan Dowladood, balse rajo wanaagsan oo ah in xal wadahadal in lagu dhameyn karo ayaa soo ifbaxay haatan sida ay baahisay Warbaahinta.

Isha:- BBC Arabic     /        Axadle.

How do you rate this story?

0 votes