Skip to content
Sunday, October 11, 2026 28 Rabi al-Thani 1448 AH Sunrise 05:43
Muqdisho 24°C
Breaking: Egypt Prepares to Deploy Troops to Somalia as Horn of Africa Tensions Rise
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia English

Daawo: Rooble oo booqday askartii kusoo dhaawacmay BARIIRE iyo Awdheegle

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio

Muqdisho (Axadle) – Ra’iisul Wasaaraha xilka sii-haya ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Isbitaalka Xoogga booqday askarta CXD ee ku soo dhaawacantay furimaha dagaalka iyagoo difaacaya dalka iyo dadka. 

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare Rooble oo warbixin ku saabsan xaaladda dhaawacyda askarta ka dhageystay saraakiisha Isbitaalka, ayaa sidoo kale askarta dhaawaca ah ka wareystay xaaladdooda, una rajeeyay caafimaad deg deg ah. 

Waxaa uu Ra’iisul Wasaaruhu  askarta uga mahadceliya sida geesinimada iyo nafhurnimada leh ee ay ugu jilib dhigeen la dagaallanka cadowga Soomaaliyeed,isagoo u ballan qaaday in dowladdu u heellan tahay daryeelkooda. 

Qaar ka mid ah askarta u soo dhaawacantay difaaca Qaranka ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay booqashadiisa iyo garab istaaggiisa iyagoo  tilmaamay in ay diyaar u yihiin isla marka ay bogsoodaan in ay dib ugu laabtaan furimaha dagaalka, si ay u gutaan waajibkooda kaga aaddan difaaca dalka iyo dadka.

How do you rate this story?

0 votes