Skip to content
Monday, October 12, 2026 29 Rabi al-Thani 1448 AH Dhuhr 11:45
Muqdisho 26°C
Breaking: North Western State of Somalia President Abdirahman Mohamed Abdullahi Irro Outlines Vision for the Future
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia English

Ciidanka Haramcad oo howlgal kusoo qabtay xubno katirsan

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio
Ciidanka-Haramcad-oo-howlgal-kusoo-qabtay-xubno-katirsan

Ciidamada Booliska Gaarka ah ee Haramcad oo Saldhig ku leh Magaalada Dhuusamareeb ayaa fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Gobolka Galgaduud sida saraakiisha Ciidanku sheegeen.

Howlgalka waxaa uu si gaar ah uga dhacay deegaannada Ceel Garas iyo God-Dhurwaa, Ciidanka Haramcad ayaa gacanta kusoo dhigay xubno katirsan Al-Shabaab oo ahaa bartilmaameedka howlgalkooda.

- Advertisement -

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliiska Gaarka u tababaran Cabdixamiid Cabdullaahi Maxamed (Fanax) ayaa howlgalka hoggaaminayay, waxaana uu sheegay in ay gacanta ku hayaan 7-Xubnood oo katirsan Al-Shabaab.

Askarta howlgalka ka fulisay Gobolka Galgaduud ayaa dhawaan laga qaaday Magaalada Muqdisho oo bilooyin kahor looga daabulay furmashada shirkii Dhuusamareeb (2) oo qaadistooda shuruud ka dhigeen Axmed Madoobe & Siciid Deni.

Al-Shabaab ayaa culeys saartay deegaanno dhaca Duleedka Magaalada Dhuusamareeb oo ay dhawaan dagaal kula gashay Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan Guutada 15-aad ee qaybta 21-aad CXDS.

Deegaanno iyo degmooyin katirsan Gobolka Galgaduud waxaa ku sugan Al-Shabaab, marar badan maamulka Galmudug waxa uu ku dhawaaqay howlgal ka dhan ah Shabaab si gacanta loogu dhigo goobaha ay maamulaan.

Axadle.

How do you rate this story?

0 votes