UNICEF ayaa Arbacadii sheegtay in dagaallo dib uga qarxay Baydhabo ay dileen oo dhaawaceen carruur, isla markaana ay waxyeelleeyeen xarun caafimaad, iyadoo ka digtay in rabshaduhu sii xannibayaan helitaanka adeegyada aasaasiga ah ee guud ahaan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Sandra Lattouf, oo ah wakiilka UNICEF ee Soomaaliya, ayaa sheegtay inay si weyn uga walaacsan tahay saameynta iska horimaadyadu ku leeyihiin carruurta, waxayna ugu baaqday dhammaan dhinacyada inay ilaaliyaan rayidka, dugsiyada, xarumaha caafimaadka iyo helitaanka gargaarka bani’aadannimo.
- Advertisement -
“Carruurtu mar kale ayay qaadayaan culayska ugu weyn ee rabshadaha,” ayay tiri Lattouf.
Waxay ka digtay in amni darradu khatar gelinayso carruurta isla markaana ay xaddidayso helitaanka daryeelka caafimaadka iyo adeegyada kale ee muhiimka ah, xilli qoysasku horeyba ula tacaalayeen barakac, cunto yari iyo nafaqo-darro daran oo haysata carruurta.
UNICEF ma bixin tirooyinka carruurta la dilay ama la dhaawacay, mana shaacin duruufaha ku xeeran khasaaraha.
Hay’addu waxay dhammaan dhinacyada colaadda ugu baaqday inay ka hortagaan waxyeellada carruurta, ilaaliyaan dugsiyada iyo xarumaha caafimaadka, ayna xaqiijiyaan in kooxaha gargaarka bani’aadannimo ay si ammaan ah oo aan caqabad lahayn u gaari karaan dadka u baahan.
“Ilmo kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu ammaan ahaado, laga ilaaliyo rabshadaha, islamarkaana helo adeegyada uu u baahan yahay si uu u noolaado una kobco,” ayay tiri Lattouf.
“Carruurta waa in mar walba la ilaaliyaa.”
Dhakhaatiirta Aan Xuduudda Lahayn (MSF) ayaa Isniintii sheegay in Isbitaalka Gobolka Bay uu daweeyay ugu yaraan 69 qof, oo ay ku jireen shan carruur ah, kaddib dagaalladii ugu dambeeyay ee Baydhabo. Sidoo kale waxaa la diiwaangeliyay saddex dhimasho.
Iska horimaadyadii ugu dambeeyay waxay dhaceen kaddib laba wareeg oo rabshado hore uga dhacay Baydhabo lixdii toddobaad ee la soo dhaafay.
Sida ay sheegtay MSF, Isbitaalka Gobolka Bay wuxuu 17-kii Agoosto qaabilay 94 qof oo dhaawac ah, oo ay ku jireen 29 haween ah iyo 20 carruur ah. Afar qof ayaa dhintay, oo ay ku jirtay haweeney da’yar.
Weerar kale oo dagaal ah ayaa billowday 3-dii Sebtembar, waxaana isbitaalka la geeyay 71 qof oo dhaawac ah, oo ay ku jireen 15 haween ah iyo 12 carruur ah. Hal dhimasho ayaa la diiwaangeliyay.