Skip to content
Monday, July 27, 2026 Mogadishu 29°C Breaking: UN forum reviews Somalia’s progress toward sustainable development goals
Breaking News
Axadle
Somalia English

Abaabul dagaal oo ka socda Duleedka Degmada Balcad ee

Follow
Abaabul-dagaal-oo-ka-socda-Duleedka-Degmada-Balcad-ee

Ciidamada dowladda federaalka iyo askar katirsan kuwa Daraawiishta DG Hir-Shabeelle ayaa dhaq-dhaqaaqyo ciidan saakay kawada deegaanno dhaca duleedka magaalada balcad ee gobolka shabeelaha Dhexe.

Askartaan ayaa shalay fulisay howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanno dhowr ah oo duleedka ka ah Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Saraakiisha Ciidanka ayaa sheegay in ujeedka howlgalkaas uu ahaa burburinta goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, si looga hortagayo abaabulka weerarada ka dhanka ah Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Al-Shabaab ayaa dhankooda sheegtay in ay kahortagtay weerar kusoo wajahnaa, gaari nuuca dagaalka ah oo ay wateen ciidanka DFS gubtay, dhimasho iyo dhaawacna gaarsiisay askartii la socotay.

Dadka deegaanka ayaa Axadle u sheegay in saacadihii lasoo dhaafay deegaannada Balcad uga jiheysan dhanka Gobolka Shabeelaha Hoose dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka wadeen Ciidamada Dowladda & Al-Shabaab.

Wasiirka amniga Hir-Shabeelle ayaa dhawaan ku dhawaaqay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab oo laga bilaabayo deegaannada Xadka DG Koofur Galbeed uu la wadaago maamulkiisa gaar ahaan dhanka Shabeelaha hoose.

Axadle