12 qof oo lagu dilay weerar ka dhacay Afghanistan! –

Shaqaalaha amniga iyo dadka deegaanka ayaa isugu soo ururay agagaarka goobtii gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo lala beegsaday xarun booliis oo ku taal Feroz Koh, caasimada Ghor [AFP]

Ugu yaraan 12 qof oo rayid ah ayaa ladilay in kabadan 100 qofna waa la dhaawacay kadib markii gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu bartilmaameedsaday xarunta booliiska Afghanistan ee gobolka galbeedka Ghor uu dhacay Axadii.

Weerarka ayaa ka dhacay Feroz Koh, caasimada Ghor, oo ah gobol aan arag rabshado badan dhicin marka la barbar dhigo qaar ka mid ah gobolada kale ee dalka oo ay colaaduhu ragaadiyeen.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay in gaariga qarxay lagu dhuftay afaafka hore ee xarunta booliska Ghor abaare 11-kii subaxnimo ee waqtiga maxalliga ah.

“Argagixisada ayaa qarxisay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay a taas oo keentay in 12 qof oo rayid ah la dilo in ka badan 100 qofna la dhaawacay ”ayay tiri wasaaradda arrimaha gudaha.

Mohammad Omer Lalzad, oo ah madaxa isbitaal ku yaal Ghor, ayaa sheegay in shaqaalaha gurmadka degdegga ah ay daweynayaan daraasiin dad ah, isagoo intaa ku daray in tirada dhimashadu ay sii kordhi karto.

Juma Gul Yakoobi, oo ah sarkaal caafimaadka oo reer Ghor ah, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in dhibanayaasha sidoo kale ay ku jiraan xubno ka tirsan ciidamada amniga.

“Qaraxu wuxuu ahaa mid aad u xoogan” ayuu yiri Aref Abir, afhayeenka gudoomiyaha Ghor. “Waxaa jira dhimasho iyo dhaawac, dadkuna waxay geeyaan isbitaalada.”

Waxa uu sheegay in qaraxa uu waxyeeleeyay xafiisyada dowladda ee ka agdhowaa xarunta arrimaha bulshada.

Wadahadallada nabadeed ee u dhexeeya Daalibaan iyo dawladda Afqaanistaan ayaa ka bilaabmay Qatar bishii hore laakiin rabshadaha ayaa wali ka sii socda dhulka.

Wadahadalada ayaa umuuqda kuwo hakad galay maadama Taliban iyo maamulka Kabul ay ku dhibtoodeen sameynta qaab aasaasi ah oo gorgortan ah.

Jimcihii, Taliban waxa ay ogolaatay in ay joojiso weerarada ka socda koonfurta Afghanistan oo ay ku barakaceen kumanaan qof oo deganaa maalmihii la soo dhaafay.

Waxay timid kadib markii Mareykanku sheegay inuu joojinayo dhammaan weerarada iyo duqaymaha habeenkii si loo ilaaliyo heshiiskii nabadeed ee uu la saxiixday Taalibaan bishii Febraayo.

Mareykanka ayaa waday weeraro cirka ah oo uu ku taageerayo ciidamada Afghanistan oo isku dayaya in  ay ka hortagaan weerarada Taliban ee gobolka Helmand, oo ku hanjabay inuu carqaladeynayo dadaallada lagu joojinayo dagaalka Afghanistan.

Al Jazeera.com

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More