Wada-hadal guuldareystay oo Xalay Zoom-ka ku dhex maray Roob…

Muqdisho (Axadle) – Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ayaa  xalay wada hadalo khadka Zoom-ka ka yeeshay xaaladihii ugu dambeeyey doorashada Soomaaliya.

Wada-hadalka Rooble iyo Maamul Goboleedyada ayaa dood dheer ka yeeshay sidii loo dardar gelin lahaa doorashooyinka, Arrinta Gobaladda Waqooyi, , Hirgelinta soo  jeedinta Guddiga dib u heshiisiinta Gedo iyo xalinta caqabadaha weli ka jira doorashada.

Sida ay xogta sheegeysa wada-hadalka Xalay ayaa kusoo dhamaaday fashil, mana jirto wax natiijo ah oo laga gaaray qodobadii laga wada-hadlay.

Dhinacyada ayaa ku kala aragti duwanaaday arrinta Gobaladda Waqooyi,  waxaana soo ifbaxay in madaxda Maamul Goboleedyada ay dhexooda kala taageerayaan labada garab ee Siyaasiyiinta Gobaladda Waqooyi kala hoggaaminayaan Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed.

Kulanka Xalay ayaa kusoo aadayo xilli Dib u dhac uu ku yimid Doorashada Senatarada Aqalka Sare BFS oo waqti ahaan loo asteeyay 25-ka July 2021 oo maanta ku began in ay lagu qabto Magaalooyinka Muqdisho, Jowhar, Dhuusamareeb, Garoowe, Baydhabo iyo Kismaayo.

Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal ayaa dhawaan xoojiyay habraaca lagu hagayo Doorashada Aqalka Sare, Golaha Shacabka & tan Madaxweynaha balse dib u dhaca jira uu sababi karo in uu isbadal ku yimaado jadwalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More