Soomaaliya oo rajeynaysa in aan lagula tartamin kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka

 
Arbaco, Juun, 5, 2024 (AX) – Soomaaliya ayaa rajeynaysa in aan lagula tartami doonin doorashada kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sida ay ku waramayaan ilo diblumaasiyeed oo dowladda katirsan.  
Warar aan si dhab ah weli loo xaqiijin ayaa sheegaya in uusan jirin dal kaloo Afrikaan ah oo Soomaaliya tartan kula galaya kusigaan. Haddii ay Soomaaliya ku guulaysato kusigan, waxay noqon doontaa markii labaad oo Soomaaliya ay ka mid noqoto xubnaha aan joogtada aheyn ee Golaha Ammaanka, tan iyo  1971 ilaa 1972.
Kursiga aan joogtada ee ay Soomaaliya raadinayso ayaa lagu dooran doonaa inta lagu guda jiro kalfadhiga 78-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo dhacaya 6-da June.
Soomaaliya ayaa kalsooni badan ku qabta inay taageero xooggan ka haysato ururka Midowga Afrika oo la sheegayo inuu ansixiyey in Soomaaliya ay noqoto musharaxa kaliya ee u taagan kursiga Afrika.
Wasiirka arrimaha Dibaddada, dajire Axmed Macallin Fiqi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ku sugan magaalada New York ee dalka Mareykanka, isaga oo ka qeybgalaya meertada 78-aad ee fadhiga guud ee Qaramada Midoobey oo lagu dooranayo xubnaha Golaha ammaanka.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More