Qoor Qoor iyo Deni ayaa maanta markale kulmay si xal loo helo

Madaxweynayaasha Puntland Saciid C / llaahi Deni iyo Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xalay ku kulmay magaalada Gaalkacyo, halkaasoo uu shalay gaaray madaxweynaha Puntland.

Intii kulanku socday waxay labada dhinac ka wada hadleen xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan muranka ka taagan hanaanka doorashada, waxayna labada Hogaamiye si qoto dheer uga wada hadleen sidii xal loogu heli lahaa khilaafka.

Sida ay sheegayaan wararka kulanka xalay ayaa ahaa mid hordhac ah, waxaana maanta la qaban doonaa kulan kale.

Shirka maanta ayaa laga soo saari doonaa war-murtiyeed, waxaana muuqata in labada Hogaamiye ay isla garteen sidii xal loogu heli lahaa arrimaha taagan iyo sidii wada hadal isugu imaan lahaayeen.

Saciid Deni Qorshihii Hogaamiyaha Puntland ee ku aadanaa maamul goboleedyada wada jir Garoowe, si looga wada hadlo caqabadaha looga hortago codbixinta, xalna loo helo.

C / raxmaan C / shakuur Warsame oo xubin ka ah Midowga Musharaxiinta ayaa ku dhaliilay Hogaamiyaha Soomaaliya Maxamed C / llaahi Farmaajo qorsheyntii doorashada ee uu ku dhexjiray khilaafaadka gobolka iyo ururada bulshada rayidka ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More