Saadaalinta Mauricio Pochettino ma rumowday?

Weeraryahankii hore ee Tottenham Mauricio Pochettino ayaa sanadkii hore bixiyay tilmaamo dheeraad ah oo ku saabsan sida xaalada noqon doonto Mikel Arteta ayaa loo magacaabay tababaraha Arsenal ka hor inta aan lagu bedelin Unai Emery oo shaqeeyay kana tagay halka Freddie Ljungberg uu si ku meel gaadh ah u sii joogay.

Mauricio Pochettino oo la hadlay warbaahinta ayaa la waydiiyay sida ay noqon karto Arsenal hadii uu haysto tababare wax badan ka og taariikhda kooxda inkasta oo uuna lahayn khibrad tababaran.

“Haa, dabcan, wuxuu noqon doonaa guuleyste (Tababaraha Arsenal), waa maamule sare oo leh shaqsiyad wanaagsan iyo dhaqan wanaagsan,” ayuu yiri Pochettino. Waxaan u maleynayaa inuu leeyahay tayo uu ku noqon karo mid ka mid ah tababarayaasha ugu fiican. “

Xilliga uu Mauricio Pochettino khudbadiisa jeedin lahaa 2019, isaga oo tixraacaya aqoonta uu u leeyahay Arteta, oo u soo ciyaaray kooxda Faransiiska ee PSG, wuxuu yiri: “Wuxuu ahaa ciyaaryahan da ‘yar markii aan u ciyaareynay Paris Saint-Germain.” Wuxuu ahaa 17 jir markii uu yimid. laakiin wuxuu ahaa mid aad u cad. “

Laakiin saadaasha Mauricio Pochettino ayaa hada umuuqata mid isbadashay madaama Mikel Arteta uu ku guuldaraystay inuu guul ku hogaamiyo Arsenal sideedii kulan ee ugu dambeysay oo aysan wax guul ah gaarin.

Toddobaadka dambe, Arsenal ayaa wajaheysa Chelsea kulan go’aamin doona mustaqbalka Mikel Arteta, kaasoo laga yaabo inuu soo gabagabeeyo waayihiisa tababarenimo ee Arsenal.

Si kastaba ha noqotee, Arsenal ayaa ku jirta xilli ciyaareedkoodii ugu xumaa tan iyo 1974-75.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More