Liverpool Oo Dalab Lacag Iyo Xiddig Ah Ka Gudbinaysa Saxiixa Anthony Gordon.

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay ku tijaabiso go’aanka Newcastle dalab lacag iyo xiddig isugu jira si ay ula saxiixato xiddiga Anthony Gordon.

Reds ayaa xiiso u qabta saxiixa xiddiga Gordon oo xirfadiisa ciyaareed ka bilaabay Anfield yaraantiisii ka hor inta uuna Akademiyada inta kale ku qaadan Everton isaga oo jira 11 sano.

Xiddiga garabka ka ciyaara ayaa dhaliyay 12 gool waxaana uu caawiyay 11 gool 48 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkiisii ​​ugu horeeyay ee Magpies xilli ciyaareedkii 2023-24 ka dibna waxaa loo magacaabay xiddiga sanadka ee kooxda.

Gordon ayaa hadda ku maqan ciyaaraha caalamiga ah ee England ee Euro 2024, laakiin wararka la isla dhexmarayo ee ku saabsan mustaqbalka naadigiisa ayaa soo shaac baxay toddobaadyadii u dambeeyay.

Sida laga soo xigtay Teamtalk, Liverpool ayaa diyaarinaysa dalab lacag iyo waliba Goolhaye Caoimhin Kelleher si ay u hesho Gordon.

Reds ayaa Kelleher ku qiimaysa 25 ilaa 35 milyan oo euro halka ay ku qiimayso xiddiga Gordon 75 milyan oo euro.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More