Khasaaraha ka dhashay weerar lagu qaaday Gudoomiyaha
Ugu yaraan seddex askari ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dhowr kalena ay ku dhaawacmeen qarax miino oo ka dhacay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, sida ay Axadle u sheegeen saraakiisha amniga Soomaaliya.
Qaraxa ayaa lala eegtay gaari uu la socday guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, Cabdullaahi Shilow.
Qaraxa oo laga maqlay qeybo ka mid ah caasimada ayaa ka dhacay agagaarka Hotel Guuleed.
Waa qaraxii labaad oo noociisa ah oo ay Al-Shabaab maanta ka geystaan…