Itoobiya oo beenisay eedeyn dowladda Soomaaliya u gudbisay Qaramada Midoobay

 
Jimco, Juun, 28, 2024 (AX) – Xukumadda Itoobiya ayaa markii ugu horeysay jawaab ka bixisay eedeyn dhawaan ay u gudbisay dowladda Soomaaliya Qaramada Midoobay, taasoo la xariirtay in ciidamo Itoobiyaan ah si sharci daro ah u soo gudbeen dhulka Soomaaliya.
Afhayeenka Wasaaradda arrimaha Dibadda dalka Itoobiya Nebyu Tedla ayaa eedeynta dowladda Soomaaliya ee ah in ciidan Itoobiyaan ah sharci daro ugu gudbeen dhanka Soomaaliya ku tilmaamay mid waxba kama jiraan ab.
“Arrintaas waa waxba kama jiraan. Sida aad ka warqabto Soomaaliya waxa noo jooga ciidammo ka tirsan ATMIS iyo kuwo aan ka tirsanayn ba. Arrintanna waxba kaga ma duwana. Waanu la hadalnay saraakiisha sarsare ee ciidankeenna ee aaggaasi ku sugan” ayuu yiri afhayeenka Wasaaradda arrimaha Dibadda Itoobiya Nebyu Tedla.
Afhayeenka Nebyu Tedla ayaa intaasi ku daray hadalkiisa in ciidamadu ahayeen kuwa ku howlana ka hortagista qataraha dhanka amniga ah ee dalkeeda soo food saari kara.
“Xogta ay nala wadeegeen waa mid aan ka duwanayn sidii hore. Waxa uu ahaa dhaqdhaqaaq caadi ah oo laga ga hor tagayay halis amniga ka dhan ah oo laga yaabo in ay dhacdo sidii horaba u dhacday” ayuu yiri Afhayeen Nebyu Tedla
Hadalkaan kasoo yeeray Afhayeenka Wasaaradda arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa kusoo beegmaya, iyadoo bartamahii bishaan ciidamo Itoobiyaan ah oo tiradoodu lagu qiyaasay ilaa afar kun oo askari si sharci daro ah uga soo talaabeen dhanka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, kuwaas oo tagay degmada Matabaan, hayeeshee saacado kadib dib uga laabtay.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More