Skip to content
Monday, September 28, 2026 15 Rabi al-Thani 1448 AH Fajr 04:37
Muqdisho 26°C
Breaking: Garissa UDA gubernatorial race intensifies as MP Falhada rebukes Korane over claims
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia English

Jubbaland oo war cusub kasoo saartay doorashada Golaha Aqalk…

Follow
Newsroom published Updated 5 years ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio

Kismaayo (Axadle) – Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa faah faahin dheeraad ah waxa ay ka bixisay qabsoomida doorashooyinka Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ee dhowaan ka dhacaya deegaanada maamulkaasi.

Wasiirka maaliyadda Jubbaland, ahna xubnin ka tirsan guddiga uu baarlamaanka  u magacaabay qabsoomida doorashada Aqalka Sare xildhibaan Xuseen Xirsi Axmed oo wareysi siiyey Radio Mustaqbal ayaa shaaca ka qaaday inay si cadaalada u dhici doonto doorashada, wuxuuna ugu baaqay musharraxiinta inay muujiyaan kalsooni gaar ah.

- Advertisement -

Xirsi ayaa sidoo kale meesha ka saaray in Jubbaland ay dooneyso inay is hortaagto qaar ka mid ah musharraxiinta, gaar ahaan kuwa siyaasad ahaan kasoo horjeeda, wuxuuna waxba kama jiraan ku tilmaamay wel-welka laga muujinayo arrintaasi.

Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday in doorashada ay si wadajir ah u maamuli doonaan guddiga federaalka iyo Jubbaland, taas oo qeyb ka aheyd heshiiskii doorashada.

Xildhibaanka oo sii hadlayey ayaa intaasi kusii daray in iyagu ka guddi ahaan ay u sinaan doonaan xubnaha musharraxiinta ee u tartamaya ka mid ah noqoshada Aqalka Sare.

“Doorashadu waxaa maamulaya guddiga federaalka iyo dowlad goboleedka Jubbaland sida ku xusan heshiiska, Wax cabsi ah ma jiri karto in shaqsi lagu dhibaateeyo, Guddi ahaan waxa aan diyaar u nahay in aan u sinnaano Musharixiinta si ay u dhacdo Doorasho qurux badan” ayuu yiri wasiirka maaliyada Jubaland.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay siyaasiyiinta tartamaya inay diyaar garow muujiyaan, isla-markaana ay ku kalsoonaadaan guddiyada maamulaya doorashada iyo Jubbaland.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo ay jiraan musharraxiin badan oo cabasho ka muujinayo hoggaanka Jubbaland oo siyaasad ahaan ay ka soo horjeedaan, waxaana ka mid ah siyaasiga Cabdi Cali Raage oo dhowaan laga soo celiyey magaalada Kismaayo.

How do you rate this story?

0 votes