Howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo laga fuliyay deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud

Axad, Juun, 23, 2024 (AX) – Ciidamada dowladda fedaraalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa dadka deegaanka ayaa weerar qorsheysan ka fuliyay goobo ku yaala gobolka Galgaduud oo ay ku dhuumaaleysanayeen xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab.
Howlgalkaan ayaa ciidamada waxay si gaar ah uga sameyeen deegaano ku yaala dhulka howdka ah ee u dhaxeeya magaalooyinka Galcad iyo Masagawaay ee gobolka Galgaduud.
Taliyaha Ururka 86-aad guutada 77-aad ee ciidanka xoogga dalka Cabdinuur Yuusuf Qadaaye oo ka mid ahaa saraakiisha hogaamineysay howlgalka ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in ciidamadu ay cagta mariyeen goobo ku yaal dhul howd ah oo kooxdu u aheyd gambaad ay weerarada kasoo abaabuli jireen.
“Waxaa halkaas lagu gaarsiiyey Khawaarijta jab xoog leh, hub fara badana waa laga soo furtay dhimashada iyo dhaawaca gaaray khawaarijta tirakoob ayaan ku wadnaa weli dhulka howdka ayey ku baahsan yihiin” ayuu yiri Taliyaha Ururka 86-aad Guutada 77-aad Cabdinuur Yuusuf Qadaaye.
Ciidamada dowladda oo garan ka helaya kuwa deegaanka iyo saaxiibada Caalamka ayaa inta badan howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ka fuliya goobaha ay ku sugan yihiin kooxdu.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More