Mourinho Oo Weerar Suuqa Ah Ku Qaadaya Man United.

Kooxda Fenerbahce ee Jose Mourinho ayaa lagu soo waramayaa in ay si lama filaan ah ugu dhaqaaqi doonto saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United ee Casemiro inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Casemiro ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo qaatay Man United xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay isaga oo kooxda ka caawiyay in ay u soo baxdo champions League sidoo kale ku guulaysato koob.

Laakiin waxa uu si weyn u dhibaatooday xilli ciyaareedkii dhamaaday isaga oo la kulmay dhaleecayn aad u xoogan isaga oo xitaa seegay final-kii FA Cup-ka ay ka qaadee Man City.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Brazil ayaa diiwaan gashtay shan gool iyo seddex caawin 32 kulan oo uu ciyaaray xilli ciyaareedkii 2023-24.

Sida laga soo xigtay majaladda Sporx ee Turkiga, madaxa Fenerbahce Mario Branco ayaa qiimeynayay in heshiiska Casemiro uu ku jiro xadkooda, waxayna isku diyaarinayaan in ay dalab ka gudbiyaan saxiixiisa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More