Sida Ay Noqon Karto Shaxda Xulka England Ee Tartanka Euro 2024 Kadib Markii La Shaaciyay Liiska Kama Dambaysta Ah

Tababaraha Xulka Qaranka England ee Gareth Southgate ayaa qarxiyay lama filaan kadib markii uu Maguire ka reebay liiska kama dambaysta ah ee xulka qaranka England uga qayb galaya tartanka Euro 2024.

Kubad sameeyaha Manchester City Jack Grealish iyo daafaca dhexe ee Everton Jarrad Branthwaite ayaa sidoo kale reebay Liiska xulka England.

Xulka England ayaa isha ku haya ku guulaysiga koobka kadib markii ay gaadheen final-ka tartanka 4 sano ka hor.

Indhaha taageerayaasha England ayaa si weyn isha ugu hayn doona shaxda laga yaabo in uu Gareth Southgate ku ciyaari doono tartanka.

Ka hor bilaabashada tartanka Euro 2024, Shabakada The Sun ayaa soo saartay shaxda laga yaabo in uu Gareth Southgate ku ciyaaro tartanka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More