Dewsbury-Hall -> Chelsea, Kounde -> Arsenal, Rashford?, Ait-Nuri? & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Suuqa ayaa si Rasmi ah u furmay iyada oo kooxaha kala duwan u furantahay in ay dhamaystiraan saxiixyada.

Kooxaha ayaa haatan bilaabi kara in ay sameeyaan saxiixyada ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxooda.

hadaba kooxda.com waxa ay idiin balan-qaadaysaa in ay si joogto ah idiinku soo gudbiso wararkii ugu dambeeyay ee suuqa.

Paris Saint-Germain ayaa ka fiirsan doonta inay dalab ka gudbiso weeraryahanka Manchester United Marcus Rashford hadii 26 sanno jirkaan uu muujiyo xiisaha uu u qabo u dhaqaaqida France (talkSPORT).

Saraakiisha United ayaa la yaabay Rashford oo ku dhibtoonaya gudaha garoonka iyo habdhaqanka ka baxsan garoonka waxayna si cad u sheegeen inuu kooxda uga tagi karo qiimo sax ah xagaagan (HITC).

Dhinaca kale PSG ayaa kula biirtay kooxaha Arsenal, Barcelona iyo Bayern Munich tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Everton Amadou Onana (Foot Mercato).

Daafaca dhexe ee Bologna Riccardo Calafiori ayaa bartilmaameed sare u ah kooxaha Arsenal,Liverpool,Tottenham iyo Real Madrid kuwaas oo dhamaantood diyaar u ah in ay dalabyo la taaban karo ka gudbiyaan xiddiga reer Italy (Corriere di).

Liverpool ayaa hogaaminaysa tartanka loogu jiro daafaca bidix ee kooxda Wolverhampton Wanderers Rayan Ait-Nuri (Abdel Hamad).

AC Milan ayaa dib u soo ceshatay xiisaha ay u qabto ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea Carney Chukwuemeka, kaasoo bartilmaameed u ahaa xagaagii hore. (Gianluca Di Marzio).

Chelsea ayaa laga soo diiday dalab €40m oo u dhiganta (£34m) oo ay ku doonaysay weeraryahanka Atletico Madrid Samu Omorodion. 20-sano jirkaan ayaa doonaya inuu la sii joogo kooxdiisa haatan (MARCA).

Real Madrid ayaa loo soo bandhigay fursad ay kula soo saxiixan karto Khefren Thuram, kaasoo uu dhalay halyeyga France Lilian. 23-sano jirkaan ayaa laga yaabaa inuu buuxiyo booska uu ka tagi doono Toni Kroos (Tuttosport).

Juventus ayaa sidoo kale dooneysa inay lasoo saxiixato Thuram, kaasoo kooxda haatan ee Nice ku qiimeeya inta u dhaxaysa 12 ilaa 15 milyan (Sky Italy).

Arsenal ayaa xiriir la samaysay kooxda Barcelona oo ku aadan saxiixa daafaca reer France ee Jules Kounde. Kooxda La Liga ka dhisan ayaa ka caga jiideysa inay iibiso xiddiga waxaana ay haatan sugayaan inay arkaan Ronald Araujo inuu soo jiidan doono dalabyo muhiim ah (Gerard Romero).

Manchester City ayaa ku guuldareysatay dalab soo daahay oo ay ku dooneysay inay Bayern Munich uga afduubato garabka Crystal Palace Michael Olise (Football Insider).

Kooxda Man United ayaa xiddiga Matthijs de Ligt u calaamadsatay badalka Jarrad Branthwaite (90min).

Kooxda Liverpool ayaa dar-dar galinaysa dadaalada ay ku doonayso Goolhayaha reer Brazil ee Bento si ay ugu buuxiso booska Caoimhin Kelleher (Globo Esporte).

Kooxda Chelsea ayaa dalab Rasmi ah ka gudbisay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Leicester City ee Kiernan Dewsbury-Hall (The Athletic).

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More