Xulka qaranka Faransiiska ayaa barbarro la galay waddanka Hungry oo ay ku wada jiraan group-ka dhimashada ee F, waxaana kulan adag oo ay ku ciyaareen garoonka Puskas Arena ee magaalada Budapest ay ku kala baxeen 1-1.Waddanka martida loo ahaa ee Hungary ayaa gool la hormaray dhamaadka qaybta hore, waxaana u dhaliyey oo orod kaga dheereeyey difaaca Faransiiska, kana soo galay dhinaca bidix ka hor intii aanu darbo xoog badan dhaafinin goolhaye Hugo Lloris.Faransiiska oo inta badan kubadda cagta ku hayay, isla markaana lumiyey…