Harry Kane Oo Lagu Daray Liiska Ciyaaryahanadda Tottenham Ee Ka
Harry Kane ayaa lagu daray liiska ciyaartoyda kooxda kubadda cagta Tottenham uga qayb-gelaya tartanka cusub ee Europa Conference League oo bilaabmaya maalinta Khamiista oo ay la ciyaari doonaan Pacos de Ferreira.Kane oo 28 jir ah ayaa si weyn loola xidhiidhinayay in uu tegayo Manchester United, waxaanay arrintu cirka isku sii shareertay markii uu tababare Nuno Espirito Santo ka reebay liiska xiddigihiisa kulankii Manchester City ay 1-0 kaga badiyeen Axaddii oo gebi ahaanba uu garoonka ka maqnaa.Inkasta oo aanu qayb ka hayn…