Joan Laporta Oo Daboolka Ka Qaaday Xaaladda Halista Ah Ee Ay Ku Jirto
Xaaladda dhaqaale ee ay ku sugan tahay kooxda kubadda cagta Barcelona waa mid halis ah, waxaanay daynta lagu leeyahay gaadhay £1.15 bilyan oo Gini, xilli ay la dhibaatoonayaan bixinta mushaharooyinka ciyaartoyda.Madaxweynaha Barcelona ee Joan Laporta ayaa Isniintii maanta waxa uu daboolka ka qaaday xaaladda halista ah ee ay ku sugan tahay kooxdu iyo in xataa ay ku adag tahay in ay bixiso mushaharooyinka ciyaartoyda iyadoo uu ka maqan yahay Lionel Messi oo ay awoodi waayeen in ay sii haystaan.Laporta ayaa si ba’anu eedeeyey…