Taalibaan oo cafis u fidisay dhammaan saraakiisha
Kabul (Axadle) – Kooxda Taalibaan ee sida buuxda ula wareegtay gacan ku heynta Afghanistan ayaa ku dhowaaqday cafis guud oo loo fidiyey mas’uuliyiintii dalkaasi.
Bayaan kasoo baxay hoggaanka Taalibaan ayaa waxaa lagu sheegay in cafis loo fidiyey saraakiishii iyo mas’uuliyiintii la shaqeynayey madaxweynihii cararay ee Ashraf Ghani.
Sidoo kale kooxda ayaa ku boorisay saraakiishaas inay dib ugu laabtaan shaqooyinkooda, iyaga oo qaba kalsooni buuxda,…