Arsenal Oo Waqti Dambe Barbarro Ka Tuugtay Rangers Xilli Uu Saxeexii
Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa waqti dambe barbarro ka tuugtay Rangers oo ay wada ciyaareen kulan saaxiibtinimo oo kusoo dhamaaday 2-2.Ciyaartan oo ka dhacday garoonka Ibrox Stadium ee kooxda tababare Steven Gerrard ee Rangers ayaa waxa bilowgiiba gool la hormartay kooxda martida loo ahaa, waxaanay bilowgiiba ka naxsadeen Arsenal, hase yeeshee Mikel Arteta ayaa qosolku u bilaabmay markii uu goolka barbarraha u dhaliyey saxeexdooda cusub ee Nuno Tavares.Goolkan ayaa meesha ka saaray dabbaal-deggii Rangers ee daqiiqaddii…