Gobaladda Waqooyi oo labo ruux u xirtay Kiristaameynta Dadka! –
Taliska Booliiska Gobaladda Waqooyi ayaa sheegay in uu xiray labo ruux oo ku eedeysan kiristaameynta dadka ku sugan Magaalada Hargeysa Xarunta maamulkaas, kadib markii xogtooda lagu wargeliyay.
Afhayeenka Ciidanka Booliska Gobaladda Waqooyi G/sare Faysal Xiis Cilmi oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in tallaabo adag laga qaadi doono labadaan ruux ee ka baxday Diinta Islaamka, isla markaana faafinaya kiristanka.
Xiis ayaa sheegay in xeer ilaalinta Gobaladda Waqooyi lagu…