Manchester United Oo Heshiis La Gaartey Mid Ka Mid Ah

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa heshiis la gaadhay dhiggeeda FC Porto oo ay si rasmi ah ugala soo wareegayso difaaca bidix ee reer Brazil ee Alex Telles.

Manchester United ayaa nasasho la’aan ku jirta maalinta ugu dambaysa suuqa iibka ciyaartoyda oo soo xidhmaya saqda dhexe ee caawa, waxaanay dedaal badan u samaynaysaa sidii ay ula soo saxeexan lahayd ciyaartooyo wax kusoo kordhiya, kana daboola meelaha dal-daloola ee ay ka liigayaan.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa in badan sugayay in kooxdiisu ay gacanta usoo geliso Jadon Sancho, waxaase meel adag iska taagtay Borussia Dortmund oo tanaasul ka samayn weyday qiimaha laacibkaas ay ku xidhay, waxaana illaa hadda ay kaliya si rasmi ah safkeeda ugu darsatay Donny van de Beek.

Red Devils oo hore loo sheegay inay heshiis la gaadhay weeraryahanka reer Uruguay ee Edinson Cavani ayaa waxay hadda heshiis buuxa wada gaadheen FC Porto, waxaanay kala soo wareegaysaa Alex Telles oo booska difaaca  bidix kula tartami doona Luke Shaw.

FC Porto oo shalay soo diidday dalab €20 milyan oo Euro ah oo ay Manchester United ka gudbisay Telles, ayaa waxa mar kale ay Red Devils wada-xaajood la furtay FC Porto.

Sida uu bartiisa Twitterka ku qoray wariye Romano Fabrizio, Manchester United iyo FC Porto ayaa ka heshiiyey qiimaha Alex Telles, waxaanu laacibka reer Brazil si ramsi ah uga mid noqon doontaa Manchester United maanta oo Isniin ah ka hor inta aanu xidhmin suuqa iibka ciyaartoygu.

Manchester United ayaa kusii jiri doonta suuqa iibka ciyaartoyda illaa daqiiqadda ugu dambaysa, waxaanay ka doonaysaa laacibiin kale oo ay isku xoojiyo iyo inay iska dirto kuwo kale oo aan tababare Ole Gunnar Solskjaer qorshaha ugu jirin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More