Suuqa Iibka Ciyaartoyda Oo Maanta Xidhmaya, Kooxaha Ugu

Suuqa iibka ciyaartoyda ayaa xidhmi doona saqda dhexe ee caawa, waxaanay naadiyada waaweyn ee weli hungurigu kaga sii jiro inay laacibiin cusub lasoo saxeexdaan ay ka faa’iidaysan karaan saacadaha kooban ee u hadhsan.

Manchester United ayaa ah kooxda ugu weyn ee laga  hadal hayo suuqa iibka ciyaartoyda ee isha gaarka ah lagu haynayo saacadaha kooban ee ka hadhsan, maadaama ay wali ku raad-joogaan laacibiintii ay doonayeen oo kaliya Donny van de Beek ay kusoo guuleysteen inay lasoo saxeexdaan.

Red Devils ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay si rasmi ah usoo gabogabayso laba saxeex oo cusub oo Solskjaer uu isku illowsiin doono guul-darradii xalay soo gaadhay. Weeraryahanka reer Uruguay ee Edinson Cavani oo hore loo sheegay inay heshiis laba sannadood ah Man United la gaadhay iyo difaaca kooxda FC Porto ee Alex Telles oo u dhashay waddanka Brazil ayay Red Devils warbaahinta usoo bandhigi doontaa sida la filayo.

Laakiin waxa kale oo ay Man United rajo ka qabtaa in Barcelona ay kala soo saxeexan doonto laacibka reer France ee Ousmane Dembele oo ay amaah ku doonayaan, waxaana ishaaro fiican siiyey tababare Ronald Koeman oo labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey aan soo safin laacibkan, xalayna sheegay in wax waliba ay ku dhici karayaan mustaqbalkiisa.

Marka laga yimaaddo ciyaaryahannadan suurtogalka ay tahay in Red Devils ay lasoo saxeexato, waxa kale oo furan albaabkeeda, waxaana la sheegayaa in saacado kooban gudahood ay AS Roma ku dhawaaqi doonto heshiis ay la gaadhay difaaca Manchester United ee Smalling oo xili ciyaareedkii horena amaah ugu ciyaarayay.

Barcelona ayaa ah kooxda kale ee indhaha lagu hayo waxa ay ka samayso suuqa iibka, waxaanay diiraddu u saaran tahay weeraryahanka reer Netherlands ee Memphis Depay oo kooxdiisa Lyon ay qirtay inay suurtogal tahay inuu u dhaqaaqo Camp Nou haddii ay ka heshiiyaan lacagta.

Juninho oo ah agaasimaha ciyaaraha Lyon ayaa xaqiijiyey in laacibkooda Depay aanay ka xidhin albaabka bixitaanka oo ay suurtogal tahay in saacadaha kooban ee hadhay uu ku biiro Barcelona, balse shuruudda dhinaca lacagta oo kaliya ay miiska taallo.

Waxa kale oo kooxda reer Spain laga hadal hayaa bixitaanka Ousmane Dembele oo Manchester United lala xidhiidhinayo.

Arsenal oo lala xidhiidhinayaya Thomas Partey iyo Houssem Aouar ayaa la eegayaa haddii ay hore ugu ruqaansan karto inay saxeexyo samayso. Waxa kale oo Gunners ay fiirsanaysay haddii ay fursad ka heli karto Chelsea oo ay ka doonayso laacibka Talyaaniga ah ee Jorginho oo ay amaah ku rabto.

Kooxda kubadda cagta Chelsea oo saxeexyadii ugu badnaa xagaagan samaysay ayaa iyagana la filayaa inay ka tagaan qaar ka mid ah laacibiinteeda khadka dhexe iyo difaaca intaba, laakiin sidoo kale doonaysa inay hal saxeex oo kale soo kordhiso, waana Declan Rice oo khadka dhexe uga ciyaaara West Ham.

Liverpool lama filayo inay saxeexyo cusub samayso, waxaase saacadaha kooban ee hadhsan ka tegi kara ciyaartoyda aan qorshaha ugu jirin tababare Jurgen Klopp, sida Harry Wilson oo kooxaha horyaalka Premier League ay doonayaan.

Min Talyaaniga, Faransiiska, Germany, Spain illaa Premier League, waxa ka dhici doona saxeexyo, waxaananu maanta samaynaynaa barmaajin LIVE aad ugala socon doontaan saxeexyada iyo xogta suuqa, kaas oo socon doona illaa daqiiqadda ugu dambaysa ee suuqu soo xidhmayo saqda dhexe ee caawa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More