YAA HABAARAY? Inkaarta Dhaawacyada Daafaca Liverpool Oo
Daafaca bidix ee kooxda Liverpool ee Andy Robertson ayuu kasoo yeedhay war naxdin ku ah dhammaan shaqsiyaadka xidhiidhka kala duwan la leh kooxdaas kaddib kulankii uu xalay dalkiisa Scotland kaga caawiyay inay Euro usoo baxaan.Robertson ayaa kaddib markii ay guul rigoorayaal ah ka gaadheen Serbia sheegay inuu kulanka dhexdiisa ku dhibtoonayay dhaawac muruqa ah.Scotland ayaa markii ugu horreysay usoo baxday tartan weyn tan iyo 1998-kii kaddib markii uu goolhaye David Marshall rigoore ka beeniyay weeraryahanka Serbia ee…