“Wuu Ka Wanaagsan Yahay Sidii Aanu Filaynay” – Wijnaldum Oo
Khadka dhexe ee kooxda Liverpool ee Georginio Wijnaldum ayaa shaaca ka qaaday sida uu kooxda lama filaanka ugu noqday saxeexa dhawaan galka ah ee Diogo Jota kaas oo ahaa mid wacdarro soo dhigayay ilaa haatan xilli ciyaareedkan.Weeraryahanka ree Portugal ayaa qaab wanaagsan ku bilawday waayihiisa ciyaareed ee Anfield isaga oo 15-kiisii kulan ee ugu horreeyay 9 gool kusoo dhaliyay sidoo kalena qayb muhiim ah ka noqday shaxda Jurgen Klopp.Jota ayaa xagaagii heshiis 41 Milyan oo Pound ah Liverpool kaga soo biiray dhinaca Wolves…