“Wuu Ka Wanaagsan Yahay Sidii Aanu Filaynay” – Wijnaldum Oo
Khadka dhexe ee kooxda Liverpool ee Georginio Wijnaldum ayaa shaaca ka qaaday sida uu kooxda lama filaanka ugu noqday saxeexa dhawaan galka ah ee Diogo Jota kaas oo ahaa mid wacdarro soo dhigayay ilaa haatan xilli ciyaareedkan.
Weeraryahanka ree Portugal ayaa qaab wanaagsan ku bilawday waayihiisa ciyaareed ee Anfield isaga oo 15-kiisii kulan ee ugu horreeyay 9 gool kusoo dhaliyay sidoo kalena qayb muhiim ah ka noqday shaxda Jurgen Klopp.
Jota ayaa xagaagii heshiis 41 Milyan oo Pound ah Liverpool kaga soo biiray dhinaca Wolves oo ay caawa kahor tagayaan, kahor kulanka caawa ayuu Wijnaldum qirtay in 24 sano jirkaasi ka wanaagsan yahay sidii ay filayeen.
30-jirkii hore ee Newcstle United ayaa isaga oo u warramayay Website-ka rasmiga ah ee Liverpool yidhi “Waxaan filayaa inuu dhab ahaan ku faraxsanaan doono inuu kooxdiisii hore kahor tago”
“Anigu markasta waan faraxsanahay marka aan kahor tagayo Newcastle United sababtoo ah waa kooxdayda kale ee kaliya (Premier League dhexdiisa)”
“Isaga ahaan waxaan filayaa inay sidaydii ka duwantahay sababtoo ah waxa uu Wolves usoo ciyaaray xilli ciyaareedyo ka badan kuwii aan Newcastle usoo ciyaaray, isaga ahaan waxaan filayaa inay in badan uga weyntahay waxa aan anigu Newcastle u qabo”
“Anigu waan la dhacsanahay sababtoo ah waxaan xilli horeba ogaa sida uu u wanaagsanaa, waxaan arki karaa inuu xataa ka wanaagsan yahay wixii aanu ku fikiraynay”