Mid Kamida Xiddigaha Barcelona Oo Dhaawacmay Kahor Kulanka
Kooxda ree Spain ee Barcelona ayaa ku dhawaaqday war aan u wanaagsanayn jamaahiirteeda iyadoo shaacisay inuu dhaawac soo gaadhay garabkeeda weerar ee Ousmane Dembele oo xilli ciyaareedkan u muuqday mid sidii hore ka wanaagsan.Dhaawaca Dembele ayaa sii laba jibaaraya madax xanuunka Barcelona ee kaddib natiijadii guuldarrada ahayd ee ay xalay kala soo laabatay kooxda horyaalka ku cusub ee Cadiz.Dembele oo ahaa mid ay dhaawacyo dishoodeen tan iyo markii uu Barcelona kaga soo biiray dhinaca kooxda ree Germany ee Borussia…