“Dhibta Kaliya Ee Giroud Haysata Waa Magaciisa, Haddii

Halyeeyga kooxda Manchester United ee Patrice Evra ayaa arrin lama filaan ah ku sababeeyay sababaha uu dhaliyaha kooxda Chelsea ee Olivier Giroud ula kulmo eedaynta badan waayihiisa ciyaareed.

34 sano jirkan ayaa Arbacadii soo muujiyay waxa uu awooda u leeyahay kaddib markii uu afarley goolal ah kasoo dhaliyay kooxda ree Spain ee Sevilla kulan Champions League ah.

Markale Giroud ayaa shabaqa soo taabtay kulankii Premier League ee ay xalay guusha 3-1 ka ah ka gaadheen Leeds United oo marti ugu ahayd Stamford Bridge.

Olivier ayaa inta badan xilli ciyaareedkan ahaa mid keyd ah gaar ahaan kulamada horyaalka iyadoo uu Frank Lampard ka doorbidayay Tammy Abraham iyo Timo Werner.

Lampard ayaa xalay haystay fursad aad u yar oo uu keydka ku dhigo Giroud kaddib markii uu afarta gool kasoo dhaliyay Sevilla waxaana uu kusoo bilaabay shaxda asaasiga ah isaga oo bedelkiisa keyd galiyay Abraham.

Evra oo Sky Sports falanqeeye ahaan u joogay xalay ayaa si lama filaan ah ugu dooday in dhibka Giroud uu yahay magaciisa isla markaana la ixtiraami lahaa haddii uu magaciisu ahaan lahaa “Giroudinho”

Partice ayaa isaga oo Giroud ka hadlayay yidhi “Waxaan filayaa in dhibaatada kaliya ee Giroud haysataa ay tahay magaciisa”

“Haddii uu magaciisu yahay Giroudinho ama wax sidaas ah dadku way jeclaan lahaayeen isaga, aniga ahaan isagu waa weeraryahanka ugu dhammayska tiran ee ay Chelsea haysato, mana fahmayo anigu sababtoo ah xataa marka uu joogo xulka France dadku su’aal ayay geliyaan hab ciyaareedkiisa”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More