Alex Song oo heshis la galay AS Arta Solar7 kadib markii laga cayriyay kooxda FC Sion
Ciyaaryahankii hore ee reer Cameroon Alex Song ayaa dhameystiray heshiis lama filaan ah oo uu ugu dhaqaaqay naadiga aan aadka loo aqoon ee reer Jabuuti ee Arta Solar 7 kaas oo miska hoostisa lagu kala saxiixday.
“Waxaan labo sano oo qandaraas ah u saxiixay kooxda Carta. Tani waa fursad aan ku hormarin karo kubada cagta Jabuuti”, xiddigii hore ee khadka dhexe ee Barcelona iyo Arsenal ayaa ku shaaciyay bartiisa twitter-ka.
33 jirkaan ayaa xor ahaa tan iyo bishii Maarso markii isaga iyo sideed ciyaartooy kale shaqada ay…