Hadalladii Uu Marcelo Ku Qaylinayay Markii Timaha La Jiiday

Real Madrid ayaa guul-darro xanuun badan loogu xambaariyey garoonkeeda Alfredo Di Stefano, waxaanay u ahayd habeenkii saddexaad ee xidhiidh ah ee kulan ka tirsan LaLiga ay awoodi kari waayaan iyo guuleystaan.

Marcelo ayaa kulankan ka ahaa kabtan maadaama uu dhaawac ku maqnaa Sergio Ramos, laakiin waxay u ahayd habeen aan wanaagsanayn oo qaab ciyaareedkiisa liita darteed loo beddelay xilli kooxdiisa lagu hoggaaminayo 2-0.

Zinedine Zidane ayaa kaydka dhigay Ferland Mendy oo kulamadii ugu dambeeyey si joogto ah u ciyaarayay, balse waxa uu go’aankaasi noqday mid uu ka qoomamooday maadaama beddelka Marcelo uu ku qasbanaaday kaddib bandhigga liitay.

Waqtigii nasashada, waxa dood dheeri dhex martay Marcelo iyo garsooraha ciyaarta ee Adrian Cordero Vega oo ka diiday difaacan reer Brazil rikoodhe uu ku dooday qaybtii hore kaddib markii uu laacibka Alaves ee Victor Laguardia qabsaday iyadoo ay laynka orod kusii gelayaan, kaddibna uu dhulka ku dhacay Marcelo.

Kaamirooyinka garoonka garoonka ayaa qabtay hadalladii uu Marcelo ku qaylinayay markii uu dhulka ku dhacay kaddib ee uu dhinaca garsooraha u soo dhaqaaqay.

Garsooraha ayaa xoogaa fiirinayay dhinaca VAR oo uu ka sugayay haddii wax qalad ahi dhacay in lagu wargeliyo balse may jirin wax la tilmaamay.

Hadalladii ay isweydaarsadeen Marcelo iyo garsoore Vega ayaa waxay ahaayeen sidan:

Marcelo oo qaylinaya: “Timaha ayuu u jiitay! Timaha ayuu jiiday.”

Garsooraha: “Gacantiisa ayuu kusoo saaray laakiin wuu garab ordayay”

Marcelo: “Bal fadeexadan eega.”

Markii garoonka laga sii baxayay waqtigii nasashada ayay Marcelo iyo garsooruhu waqti kusii qaateen dariiqa looga baxo garoonka, waxaanu daafacani isku dayay inuu ku qanciyo garsooraha sida wax u dhaceen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More